Nayrobi: Wargeys Caan ah oo Daabacay Warbixin lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Dawladda imaaraatka ku qanciyey inay Tageerto siyaasin ka soo horjeedda Farmaajo
Madaxweyne Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu dawlada Imaraadka carabta uu ku qanciyey inay taageeraan siyaasiyiinta Hawiye ee ka soo hor jeeda madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Sidaas waxaa shalay qoray wargeyska Caanka ah ee Te Indian Ocean , waxaana uu
sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu go,aankaas qaatey kadib markii uu
ogaadey in madaxweyne Farmaajo si qarsoodi ah oo aan toos aheyn u taageeraayo
maamulka Puntland .
Warku waxaa uu sheegayaa in madaxweyne Biixi uu Nairobi u diray wakiilo u
socdey , kulan lala soo yeesho siyaasiyiin ka socda beesha Hawiye todobaadkii
hore .
Todobadkii hore waxaa magaalada Nairobi ku kulmay wakiilo ka socdey
madaxweyne Muuse Biixi , kuwaas oo u soo bandhigay qorshe lagu taageeraayo
Hawiye , ayuu yidhi Wargeysku .
Waxaana uu intaas raaciyey in madaxweyne Biixi uu Imaaraadka carabta uu hor
dhigay in dantoodu ay ku jirto inay taageeraan Hawiye , lakiin wargeysku muu soo
bandhigin , magacayada wakiilada ka socdey Madaxweyne Biixi ee socdaalka ku
tagay Nairobi.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegayaa in taaloobiyinkan u qaadey si
uu uga hortago qorshayaasha madaxweyne Farmaajo ku taageeraayo maamulka
Puntland iyo xoogaga kale oo doonaya in ay wiiqaan Somaliland .
Geesta Kale waxaa uu wargeysku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu boqorka
dalka Qatar uu dhawaan la kulmay una bandhigay dareenka shakiga leh ee uu ka
qabo xidhiidhka sii xoogeysanaya ee ka dhaxeeya Imaraadka iyo Somaliland.
Waxaa kale oo ay war bixintu sheegtay in dawlada Qatar ay madaxweyne
Farmaajo kula talisay inuu ku dadaalo in uu helo taageerada Madaxweynaha
Puntland Cabdiwali Maxamed Cali gaas , isla markaana uu ku qanciyo in uu u
wareego siyaasada Qatar iyo Turkiga.
Qatar ayaa sidoo kale Farmaajo kula talisay in uu ku dadaalo sidii uu ula kala
hadhi lahaa siyaasiyiinta Somalida ee maamaamul gobaleed-yada oo dhawaan shir
uga qabsoomay magaalada Baydhabo.
Kulanka Boqorka Qatar iyo Madaxweyne Famraajo oo qabsoomay ayaa waaa kale
oo lagaga wada Hadley sida ay war bixintu sheegtay maamul gobaleed yada
Somaliya oo badankoodu ka soo hor jeestay madaxweyne Farmaajo.
Mr Farmaajo ayaa sida ay war bixintu sheegtay dadaal ugu jira inuu duufaano
siyaasadeed uu ku kiciyo Madaxweynaha Galmadug Axmed Geele Xaaf oo ay war
bixintu sheegtay in madaxweyne Farmaajo ka diiday inuu ka qeyb gali shirkii
Maamul gobaleed yada ee ka dhacay Baydhabo
Nayrobi: Wargeys Caan ah oo Daabacay Warbixin lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Dawladda imaaraatka ku qanciyey inay Tageerto siyaasin ka soo horjeedda Farmaajo
Madaxweyne Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu dawlada Imaraadka carabta uu ku qanciyey inay taageeraan siyaasiyiinta Hawiye ee ka soo hor jeeda madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.