Laascaanood "Gobolku waa nabadgeliyo wax dhibaato ah oo hada ka taagan habayaraate ma jirto"Guddomiyaha Obolka SOOL
Gudoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdi Khayre Dirir oo ka hadlay xaalada nabad-gelyo ee degmada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegay inay hada xaaladu tahay mid degan oo aanay wax dhib ahi ka dhicin todobaadkii
ugu danbeeyay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xaalada amni ee gobolka Sool iyo ka degmada
magaalada Laascaanood ay haatan degan tahay.
Dhanka kale waxaa uu ugu
baaqay dadka baraha bulshada wax ku qora ee wada kicinta iyo guubadada
bulshada inay ka waantoobaan, waxaanu sidan ka sheegay mar uu shalay
warbaahinta kula hadlayay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Gudoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdi Kheyre Dirir isaga oo arrimahaasi ka
hadlaya waxaa uu yidhi "Gobolku waa nabadgeliyo wax dhibaato ah oo hada ka
taagan habayaraate ma jirto, waxaa mahadaasina iska leh Illaaha raxmaanka ah
deegaankuana waa rooban yahay raxmaadkiina Illaahey wuu ku shubay xoolaha
iyo dadkuna waa caafimaad qabaan deegaanka Tukaraqeed ee baryahan colaadu
ka jirtay way degan tahay todobaadkii ugu danbeeyay oo wax dhibaato ahi kama
jirto, ciidamaduna fadhiisimadoodi way ku sugan yihiin waxaanan umad celinayaa
dhammaan ciidamada amniga, waxaanan u mahad celinayaa ciidamada amniga ee
gobolka Sool, qaybta ciidanka booliska iyo haday tahay laamaha kale ee amniga ka
hawlgalaba sida wacan ee ay uga hawl-galayaan amniga goboolka iyo ka
degmadaba" ayu yidhi
Gudoomiye Cabdi Kheyre waxaa uu ugu baaqay dadka baraha bulshada wax ku
qoraa inay ka waantoobaan waxyaabaha horseedi kara kicinta bulshada waxaanu
yidhin "Ma wanaagsana in magaaladeeni wax aan jirin aynu ka sheegno sumcad
ahaan gobol ahaanba inaga ayay wax ina yeelaysaa, shaqsiyaadka caanka ka
noqday baraha bulshada ee beenta cad ee nabadgeliyada gobolka wax u dhimeysa
haka waan toobaan.”ayu hadalkiisa ku soo xidhay guddomiyuhu
Laascaanood "Gobolku waa nabadgeliyo wax dhibaato ah oo hada ka taagan habayaraate ma jirto"Guddomiyaha Obolka SOOL
Gudoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdi Khayre Dirir oo ka hadlay xaalada nabad-gelyo ee degmada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegay inay hada xaaladu tahay mid degan