Hindiya:-Dibedbaxyada Gobolka Kashmiir oo sii xoogeysanaya+Arimaha Lagaga Soo Hor Jeedo.

0
Sunday June 03, 2018 - 08:54:12 in by salman abdi
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hindiya:-Dibedbaxyada Gobolka Kashmiir oo sii xoogeysanaya+Arimaha Lagaga Soo Hor Jeedo.

    Hindiya:-Dibedbaxyada Gobolka Kashmiir oo sii xoogeysanaya+Arimaha Lagaga Soo Hor Jeedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hindiya:-Dibedbaxyada Gobolka Kashmiir oo sii xoogeysanaya+Arimaha Lagaga Soo Hor Jeedo.

Dibedbaxyada looga soo horjeeda maamulka Hindiya ee kashmiir ayaa sii balaartay kadib markii mid ka mid ah laba dibedbaxayaal oo gaari jiiray uu dhintay.

Booliska ayaa oodda kaga qaaday sunta dadka ka ilmeysiisa boqolaal dibedbaxayaal ah kuwaasi oo ka qeyb galayay aaska Kaiser Bhat oo uu caasimadda Srinagar gaari ku jiiray.

Maamulka ayaa Bandow ku soo ragay qeybo ka mid ah caasimadda, sidoo kalana waxaa la xiray adeegga Internetka.

Kashmiir ayaa ah goob ay isku haystaan Hindiya iyo Pakistan.

Khalalaasahaan ayaa bilowday kadib markii boolis aad u hubeysan ay galeen Misaajid ku yaalla caasimadda oo ay ku sheegeen in uu xarun u yahay maleeshiyada.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in booliska ay isdifaacayeen balse qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in si kas ah ay gaariga ugu soo wadeen goobta uu dadka buuxay.

Muuqaallo argagax ah oo muujinya gaariga baarlamaanka oo wajiga wiilka yar jiiraya ayaa lagu dhex wareejinayay baraha bulshada.


Maanta inta badan ganacsiga ayaa la xiray waxaana waddooyinka ka muuqanayay booliska.

.Lahaanshaha sawirkaAFP

Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo maalamaha soo socda la filayay in wasiirka arrimah gudaha Hindiya Rajnath Singh uu booqasho ku tago gobolka.

Muslimiinta doonaya gooni u goosadka ayaa waxaa hareeyay olole khalalaase wata oo looga soo horjeeda maamulka Hindiya tan iyo dhamaadkii siddeetameyadii.

Tobanaan kun oo qof ayaa lagu dilay dagaalka Kashmiir kaas oo Hindiya iyo Pakistan-ba ay sheeganayaan in Kashmiir ay iyaga leeyihiin.