Muqdisho:-Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulan la qaatay dhalinyaradii laga soo celiyay dalka Liibiya Iyo Arimaha Uu Kala Hadlay.

0
Sunday June 03, 2018 - 08:54:12 in by salman abdi
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulan la qaatay dhalinyaradii laga soo celiyay dalka Liibiya Iyo Arimaha Uu Kala Hadlay.

    Muqdisho:-Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulan la qaatay dhalinyaradii laga soo celiyay dalka Liibiya Iyo Arimaha Uu Kala Hadlay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulan la qaatay dhalinyaradii laga soo celiyay dalka Liibiya Iyo Arimaha Uu Kala Hadlay.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa xalay kulan Afur iyo soo dhaweyn ah la qaatay dhallinyaro Soomaaliyedd oo maxaabiis ku ahaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dal kaddib markii ay u fududaysay xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo u mahed-celiyay cid walba ka shaqaysay in dib loo soo celiyo dhalinyaraddan ku dhibaateysneyd dalka dibadiisa, ayaa cadeeyay in uu aad uga xun yahay dhibka ku dhacay dhalinyaradda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

Waxaa uu tilmaamay in mas’uuliyinta dalka looga baahan yahay in ay ka foogaadaan musuq maasuqa, in ay dib-u-dhisaan dalka iyo in la iska ilaaliyo waxyaabihii awoodeena daciifyay, si looga shaqeeyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

"Haddii aad tahay Soomaali oo aad la baxday Magafe, waa in aad ogaataa in dawladda Soomaaliyeed ay tahay madaasho oo ay kaaga daba imanayso meel kasta, caddaaladana ku horgayn doonto. Waxa la rabaa hay’adaha amniga Qaranka inay ka shaqeeyaan sidii loo soo qab-qaban lahaa dadka dhibaateeyey dhillinyaradeena.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhallinyaradda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda uga dhigi lahaayeen wadamadda ay u tahriib tageen, waxuuna u ballan-qaaday in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii horumarka, qof walbana ay muhiim tahay in uu qaybtiis ka qaato dib u dhiska dalka.