Tunisia:-35 qof ayaa ku dhintay doon ku dagtay xeebaha Tunisia+Halka Ay Ku Socotay Doontu.

0
Monday June 04, 2018 - 09:37:21 in by salman abdi
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tunisia:-35 qof ayaa ku dhintay doon ku dagtay xeebaha Tunisia+Halka Ay Ku Socotay Doontu.

    Tunisia:-35 qof ayaa ku dhintay doon ku dagtay xeebaha Tunisia+Halka Ay Ku Socotay Doontu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tunisia:-35 qof ayaa ku dhintay doon ku dagtay xeebaha Tunisia+Halka Ay Ku Socotay Doontu.

Ugu yaraan 35 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay doon ay saarnaayeen oo ku dagtay xeebaha bariga Tunisia,Warkani waxaa xaqiijisay dowladda Tunisia, lixdan iyo todobo qof oo kale ayaa waxaa badbaadiyay ilaalada xeebaha.

Dalka Tunisia ayaa hadda noqday marin muhiim u ah tahriibayaasha doonaya inay Yurub galaan sanadkii u dambeeyey.

Arrinkani ayaa imanaya markii wax laga qabtay dadka laga tahriibiyo dalka Liibiya oo dadka lagu jirdilo laguna laayo.

Wasiirka Arimaha gudaha Tunisia ayaa sheegay in doontan dagtay ay saarnaayeen 180 qof oo u badan dad Tunisiyaan ah.

Doonta ayaa la sheegay inay shan mile u jirtay jasiirada Kerkennah, 16 mile-na waxay xaga badda u jirtay magaaladda Sfax.

Dad shaqo la'aan ay hayso oo Tunisia iyo wadamo kale oo Afrika ah u dhashay ayaa badda Meditereniyanka uga gudba doomo macmal ah oo ay ku tagaan jasiirada Sicily ee dalka Talyaaniga.

Dhimashada dadkan ayaa imanaysa isla maalinkii uu wasiirka cusub ee arimaha gudaha ee Talyaaniga uu booqday jasiirada Sicily uuna ku dhawaaqay in la joojiyo qaxootiga Afrika ka imanaya

Dhinaca kale ilaalada xeebaha ee Turkiga ayaa sheegay in lix qof oo tahriibayaal ah oo lix ka mid ah ay caruur yihiin ay dooni kula dagtay xeebaha gobolka Antalya