Somalia:-Saraakiisha dowladda Somalia oo faah faahin ka bixiyay dagaalkii Moqokori+Khasaraha Ka Dhashay.

0
Monday June 04, 2018 - 09:37:21 in by salman abdi
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:-Saraakiisha dowladda Somalia oo faah faahin ka bixiyay dagaalkii Moqokori+Khasaraha Ka Dhashay.

    Somalia:-Saraakiisha dowladda Somalia oo faah faahin ka bixiyay dagaalkii Moqokori+Khasaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:-Saraakiisha dowladda Somalia oo faah faahin ka bixiyay dagaalkii Moqokori+Khasaraha Ka Dhashay.

Maalmihii ka hor ayeey markii dagaal culus deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan uu ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab oo weerar toos ah iyo qaraxyo ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamuud Macalin Koronto oo la hadlay warbaahinta ku hadashay afka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in guulo ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay degaanka Moqokori.

Taliyaha ayaa intaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku dileen dagaalka Lix saraakiil iyo 20 dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, waxaana uu soo bandhigay magacyada saraakiisha ay sheegeen in ay dileen.

Magacyada saraakiisha Al-shabaab ee lagu dilay dagaalka ayuu ku sheegay Xuseen Maadey oo ku magac dheer (Mama) oo ahaa sarkaalkii hogaaminayay dagaalka, Ahmed Cali Fiidow, Muxudiin Maxamed Keysane iyo Xaaji Daa’ud Balli.

Al-shabaab ayaa dhinacooda soo bandhigay meydadka askar ay sheegeen in ay ku dileen dagaalkii Moqokori, waxayna tilmaameen in halkaasi ay ku dileen 72 askari.