Talyaaniga:-Wasiir Talyaani ah oo dalbaday in la xiro xerada qaxootiga ee Sicily+Sababta.

0
Monday June 04, 2018 - 09:37:21 in by salman abdi
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talyaaniga:-Wasiir Talyaani ah oo dalbaday in la xiro xerada qaxootiga ee Sicily+Sababta.

    Talyaaniga:-Wasiir Talyaani ah oo dalbaday in la xiro xerada qaxootiga ee Sicily+Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talyaaniga:-Wasiir Talyaani ah oo dalbaday in la xiro xerada qaxootiga ee Sicily+Sababta.

Wasiirka arrimaha gudaha ee cusub ee Talyaaniga Matteo Salvini oo booqasho ku tagay Sicily ayaa sheegay in ay tahay in jasiiraddaasi ay joojiso "ahaanshaha xerada qaxootiga Yurub".

Hogaamiyaha xisbiga garabka midig ee fog ayaa sheegay in qorshaha dawladda ee qaxootigu "uusan ahayn mawqif adag qaadasho, balse uu yahay sida uu caqliga caadiga ah qabo".

Wuxuu sheegay in dadka la tarxiilayo oo sare loo qaado iyo xakamaynta dadka cusub ee imaanaya ay keeni doonto in nolol badan la badbaadiyo.

Si kastaba ha ahaatee dadka arrintan dhaliishan ayaa shaki ka muujiyay suurtagalnimada qorshaha Salvini.

Talyaaniga ayaa ah goobta ugu wayn ee ay cago dhigtaan soo galootiga ka talaabaya Waqooyiga Afrika ee u socda qaaradda Yurub, inkastoo ay hoos u dhaceen bilihii

Dakadaha Sicily ayay ka soo dagaan soo galootiga soo mara badda Mediterranean-kaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDakadaha Sicily ayay ka soo dagaan soo galootiga soo mara badda Mediterranean-ka

Dawladda cusub ee Talyaaniga oo wadaniyadda ku kalax tagtay ee ay ku wada jiraan xisbiga M5S iyo the League ayaa la dhaariyay toddobaadkii hore, arrintaas oo soo afjartay hubaanti la'aan ka taagnayd dalka afraad ee ugu dhaqaale badan qaaradda Yurub.

Xisbiga The League ayaa si wayn uga soo horjeeda soo galootiga heshiisyo ay la geleen xisbiga M5S ayaana ku qotoma maqifkoodaas.