Caaalam:-Ruushku ma rabo in uu Yurub kala qaybiyo

0
Tuesday June 05, 2018 - 11:01:04 in by salman abdi
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caaalam:-Ruushku ma rabo in uu Yurub kala qaybiyo

    Ruushku ma rabo in uu Yurub kala qaybiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushku ma rabo in uu Yurub kala qaybiyo

 

PUTIN

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushku uusan doonaynin in uu kala qaybiyo Midawga Yurub.

Haddalkiisaas ayaa yimid ka hor booqashada Austria, waana markii koobaad ee uu booqasho ku tago dal Galbeedka Yurub ku yaalla ku dhawaad muddo sannad ah.

Warbaahinta ORF ee dalka Austria ayuu u sheegay in uu doonayo "Yurub oo mid ah oo barwaaqo ah". wuxuuna tilmaamay in Midawga Yurub ay la leeyihiin xiriirka ganacsi ee ugu muhiimsan".

Waxaa kale oo uu meesha ka saaray xiriirka la sheegay in uu u dhaxeeyo xisbiga United Russia iyo xisbiga Austria ka dhisan ee Freedom Party oo siyaasaddiisu midig fog tahay.

Putin ayaa la kulmi doona madaxweynaha Austria Alexander Van der Bellen, hogaamiye Sebastian Kurz iyo waliba ganacsatada, maalinta Talaadada ah.

"Markii dhibaato badan ay gaarto wadnaha Midawga Yurub, anagana dhibaatooyin badan iyo halis badan ayaa na soo wajihi" ayuu yiri Putin.

Waxaan u baahannahay in aan iskaashi la yeelanno Midawga Yurub. Ma lihin hadaf wax kala qaybin ah ama aan ku kala qaybinayno Midawga Yurub.