CAALAM:-Ururka Xasaradaha Adduunka Oo Ka Digay In Khilaafka Carabtu Uga Sii Daraan Xidhiidhka Somaliland Iyo Soomaaliya

0
Tuesday June 05, 2018 - 11:49:32 in by salman abdi
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CAALAM:-Ururka Xasaradaha Adduunka Oo Ka Digay In Khilaafka Carabtu Uga Sii Daraan Xidhiidhka Somaliland Iyo Soomaaliya

    CAALAM:-Ururka Xasaradaha Adduunka Oo Ka Digay In Khilaafka Carabtu Uga Sii Daraan Xidhiidhka Somaliland Iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CAALAM:-Ururka Xasaradaha Adduunka Oo Ka Digay In Khilaafka Carabtu Uga Sii Daraan Xidhiidhka Somaliland Iyo Soomaaliya

(SLT-Hargeysa)-Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka qadhaadh ee u dhexeeya dawladaha khaliijka carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Somalia.

Ururku wuxuu siyaasiyiinta Soomaalida Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay lakala saftaan dhinancyada isku haya muranka khaliijka ka taagan sabata oo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalasaha isa soo taraya ee Somalia gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Kolkii sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xidhiidhka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Somalia taas oo xidhiidh la leh labada dhinacba.

Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dawladaha Somalia iyo Imaaraadka asaga oo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Somalia in ay ka faa’iidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.

Xukumadda Farmaajo iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ku kala qaybsan mawqifka khilaafka khaliijka. Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa si muuqata u taageersan xulufada Imaaraadka iyo Sucuudiga halka xukumadda Farmaajo u janjeedho dhanka Qadar oo uu socdaalo door ah ku tagay dhawaana soo diratay safiir.