Caalamka:-Maraykanka oo xiray nin rabay in uu Shiinaha u basaaso.

0
Tuesday June 05, 2018 - 12:37:03 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Maraykanka oo xiray nin rabay in uu Shiinaha u basaaso.

    Caalamka:-Maraykanka oo xiray nin rabay in uu Shiinaha u basaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Maraykanka oo xiray nin rabay in uu Shiinaha u basaaso.

Nin horay uga tirsanaan jiray sirdoonka Maraykanka ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla Seattle isaga oo lagu soo oogay in uu isku dayayay in uu Shiinaha u basaaso.

Hay'adda dambi baarista Maraykanka ee FBI ayaa xirtay Ron Rockwell Hansen oo 58 jir ah isaga oo ku sugan garoonka Seattale kuna sii jeeda dalka Shiinaha.

Waaxda caddaaladda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Hansen uu isku dayay in uu xog gudbiyo isla markaasna la siiyay ugu yaraan 800,000 oo doolar, isaga oo Shiinaha u shaqaynayay.

Wuxuu ogolaaday in uu si kooban maxkamadda uga soo muuqdo si loogu celiyo gobolka Utah ee uu ka soo jeedo si uu halkaas dacwad ugu wajaho.

Maxay tahay dacwadda loo haysto?

Hansen oo ku nool magaalada Syracuse ee gobolka Utah ayaa lagu soo oogay in uu isku dayay in uu aruuriyo ama gudbiyo macluumaad ku saabsan ammaanka qaranka si loogu caawiyo dal ajnabi ah.

Dacwadaha kale ayaa guud ahaan ah 15 waxaana ka mid ah basaas dal kale oo aan diiwaan gashanayn oo Shiinaha u shaqaynayay, in uu lacago si sharci darro ah u kala wareejiyay isla markaasna isku dayay in uu alaab si sharci darro ah uga bixiyo Maraykanka.

Haddii lagu helo basaasnimo, wuxuu wajihi karaa xabsi daa'in.

John Demers oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in ficillada lagu eedeeyay Hansen ay u dhigmaan "khayaano lagu sameeyay ammaanka qaranka".

"Ayna ceeb ku tahay saaxiibbadii ay horray isagala shaqeeyeen sirdoonka.

John Huber oo garsoore ka ah gobolka Utah ayaa eedaymahan ku tilmaamay "mashaakil wayn".