Gudaha:-Laba Masuul Oo Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Colaada Ka Taagan Degmada Ceel-Afweyn Kana Qayb Galay Xaflad Lagu Taageerayo Taliye Caare.

0
Tuesday June 05, 2018 - 12:37:03 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Laba Masuul Oo Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Colaada Ka Taagan Degmada Ceel-Afweyn Kana Qayb Galay Xaflad Lagu Taageerayo Taliye Caare.

    Gudaha:-Laba Masuul Oo Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Colaada Ka Taagan Degmada Ceel-Afweyn Kana Qayb Galay Xaflad Lagu Taageerayo Taliye Caare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Laba Masuul Oo Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Colaada Ka Taagan Degmada Ceel-Afweyn Kana Qayb Galay Xaflad Lagu Taageerayo Taliye Caare.

Beryihii U Danbeeyey Waxaa Somaliland Ka Taagna Dagaal Beelleedo Soo Noq-Noqday Oo Taag Iyo Maare Loo Waayey Taas Oo Labadii Sano Ee U Danbeeyey Ka Taagnayd Gobolka SANAAG Gaar Ahaan Degmada Ceel-Afweyn,

Xukuumada Somaliland Ayaa Dadaalo Kala Duwan Ku Bixisay Daminta Dirirta Colaadeed,Balse Ma Noqon Mid Midha Dhala,Talaabo Kasta Iyo Go,aan Kasta Oo Laga Soo Saaro Colaada Ceel-Afweyna Wuxuu Noqday Hal Bacaad Lagu Lisay,

 

Hadaba Todobaadkii U Danbeeyey Waxaa Soo If-Baxay Arimo Naxdin Leh,Kuwaas Oo Shacabka Somaliland Kusii Abuuray Wer Wer Ay Ka Qabaan Inay Colaadaasi Sii Balaadhato,Waxaana Cuqaasha Haldoorka Iyo Labeenta Beelaha Dagaalamaya Warbaahinta Isku Mariyeen Hadalo Xanaf Leh,Sidoo Kale Waxa Hanjabaadahaasi Fashiliyeen Masuuliyiin Xilal Ka Haya Gobolka SANAAG Oo Iyagu Lug Ku Leh Dagaaladaasi,

Maayirka Degmada Ceerigaabo Iyo Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Policeka Gobolka SANAAG Ayaa Maalintii Shalay Deegaanka Goof Kaga Qayb Galay Shir Beeleed Lagaga Hadlaayo Colaada Deegaamadaasi,Inkasta Oo Shirkani Ahayn Mid Waan-Waana Wuxuu Ahaa,Mid Beeshu Ku Xoojinayso Dagaalkaasi,Waxaana Sidoo Kale Lagu Taageeraayey Kornel Caare Oo Ka Goostay Ciidanka Qaranka Somaliland,Sidoo Kale Waxaa Shirkaasi,Lagu Aflagaadeeyey Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Somaliland,Oo Hab Beeleed Loo Ataagay,Sida Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Iyo Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Isagu Hada Aan Xil Ka Hayn Xukuumada Somaliland



Waxaana Layaab Leh In Shirkaasi Kasoo Dhex Muuqday Labada Masuul Ee Kala Ah Maayirka Degmada Ceerigaabo Iyo Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Policeka Gobolka SANAAG Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali Ducaale Oo Labaduba Shaqo Ahaan Hoos Taga Wasaarada Arimaha Gudaha,Oo Iyagu Ka Qayb Galay Shirkaasi Lagu Soo Bandhigaayey Dhaliilaha Wasiir Maxamed Kaahin,

Arintani Waxay Muujisay Halka Ay Colaada Ka Taagan Yihiin Labadan Masuul,Waxaana Muuqata Inay Taageero U Fidinayaan Beeshooda Maadama Oo Ay Ka Qayb Galeen Shirarka La Abaabulaayo Dagaal Beeleedadaasi,Masuuliyiintan Oo Xilal Qaran Ka Haya Dawlada Isla Markaana Dadka Dhex U Ahaan Lahaa Ayaa Garab Siinaya Xigtadooda

Goobtaasi Ay Fadhiyeen Taliye Ku Xigeenka Iyo Maayirku Waxaa Si Aan Gabasho Lahayn Loogu Taageeray Taliye Caare Iyaga Oo Ku Baaqay Xukuumada Inay Faraha Kala Baxdo Soo Qabashada Taliye Caare,,Oo Isagu Ka Goostay Ciidanka Qaranka Somaliland

Sidoo Kale Waxaa Xusid Mudan In Deegaanka Goof Ay Ku Sugan Yihiin Ku Dhowaad 500 Maleeshiyo Beeleeda Kuwaas Oo Ay Isku Hayb Yihiin Maayirka Iyo Taliye Ku Xigeenka,Ciidan Beeleedkaas O Ku Dhuunta Agagaarka Deegaanka Ay Shirka Kaga Qayb Galeen,

Warar Xog-Ogaala Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Colaada Ceel-Afweyn Ay Jiraan Siyaasiyiin Labada Beelood Kasoo Jeeda Oo Iyagu Aan Daacad Ka Ahayn Nabadaynta Isla Markaana La Safan Beelahood,Waxaana Xukuumada Somaliland La Gudboon Inay Gacan Bira Umada Kaga Qabato Rabshad Wadayaasha Qaranka U Adeegaya

Labadan Masuul Ayaa Wiiqay Kalsoonidii Ay Shacabka Gobolka SANAAG U Muujiyeen,Waxaana Arintani Hadii Ay Sii Socoto Sababi Karta In Masuuliyiin Xilal Haya Ay Si Badheedha U Taageeraan Labada Garab Ee Hubaysan,Waxaana Muuqata In Shaqada Arimaha Gudaha Uu Dayac Badan Iyo Habacsanaani Ka Muuqat



Xigasho:Cabdiraxmaan Maxamed Xasan