Sentosa:-Kulanka Kim iyo Trump oo ka dhacaya jasiiradda Sentosa.

0
Wednesday June 06, 2018 - 08:57:52 in by salman abdi
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sentosa:-Kulanka Kim iyo Trump oo ka dhacaya jasiiradda Sentosa.

    Sentosa:-Kulanka Kim iyo Trump oo ka dhacaya jasiiradda Sentosa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sentosa:-Kulanka Kim iyo Trump oo ka dhacaya jasiiradda Sentosa.

Kulanka aadka looga dhursugayo ee dhex maraya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dhici doona hoteel ku yaalla jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Kulankan taariikhiga ah ee la qorsheeyay ayaa dhici doona 12 Juunyo, laakiin wali macluumaad badan oo la xaqiijiyay lagama hayo.

Waxay noqon doontaa markii koobaad ee ay kulmaan hogaamiye Kuuriyada Waqooyi iyo madaxweyne xil haya oo Maraykan ah.

Trump wuxuu sheegay Talaadadii in qorsheyaashu ay "si wanaagsan u socdaan".

"Xiriiro badan ayaa la sameeyay, wada xaajoodyo badan ayaa socda safarka ka hor" ayuu ku yiri saxafiyiinta.

"Waa arrin ahmiyad leh" maalmo aad muhiim u ah ayayna noqon doonaan".

Xoghayaha dhanka saxaafadda ee Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka Sarah Sanders ayaa Twitter-ka ku xaqiijisay in shirku uu ka dhici doono huteelka Capella.

Sentosa waa mid ka mid ah 63da jasiiradood ee ay Singapore ka kooban tahay.

Jasiiraddan oo badkeedu 500 oo hektar yahay wax yarna u jirta dhulwaynaha kale ayaa hoy u ah goobo loo tamashle tago, doomaha qaaliga ah ee sida gaarka ah loo adeegsado iyo goobo lagu ciyaaro golf.

Balse jasiiraddaas ayaa sidoo kale taariikh u leh, burcad badeed, dhiig ku daata iyo dagaal.