Itoobiya:-'Waan ogolaanay heshiiska Nabada ee xuduuda Badme'

0
Wednesday June 06, 2018 - 08:57:52 in by salman abdi
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya:-'Waan ogolaanay heshiiska Nabada ee xuduuda Badme'

    Itoobiya:-'Waan ogolaanay heshiiska Nabada ee xuduuda Badme'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya:-'Waan ogolaanay heshiiska Nabada ee xuduuda Badme'

Dowladda wadaaga ah ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay si dhamaystiran u aqbashay oo ay hirgelinayso heshiiskii nabada ee lagu dhamaynayay dagaalkii xuduuda Ereteria.

Itoobiya waxay kaloo ay ogolaatay natiijadii ka soo baxday gudigii loo saaray calaamadaynta xuduudii la isku hayay laga soo bilaabo sanadii 2002-dii.

Gudigaasi ayaa Ereteriya u calaamadeeyey deegaano ay ka mid tahay Badme.

Arinkani ayaa soo afjaraysay ismariwaagii ka dhaxeeyey Itoobiya iyo Ereteriyan, dagaalkaasoo noqday dagaalkii ugu dhimashada badnaa Afrika ee 1998-dii.

Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi oo socday mudo labo sano ah.

Labada dal ayaa colaad xoogan ay u dhaxaysay tan iyo waagaasi. Itoobiyana waxay diiday inay aqbasho natiijadii kasoo baxday gudigii xadaynta xuduuda oo qayb ka ahaa heshiiskii la gaaray.

Natiijadii ka soo baxday heshiiskaasina Itoobiya waxay diiday inay ciidankeeda ka saarto dhulka lagu muransan yahay, Ereteriyana waxay ku eedaysay Itoobiya inay xoog ku haysato dhulkeeda.

'Ereteriya waa inay qaado tilaabo noocan oo kale ah iyadoon wax shuruud ah ku xirayn ayna aqbasho baaqeenan si loo soo celiyo nabadii luntay ee labada dal ee walaalaha ah' waxaa sidaasi lagu qoray bogga Facebooga ee ururka EPRDF.

Ereteriya ayaa diiday inay wax wadahadal ah la gasho Itoobiya ilaa ay ka ogolaanayso shuruud la'aan natiijadii ay soo saareen gudigii xuduuda loo xilsaaray.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa balanqaaday inuu nabad ka keeni doono dalka Ereteriya markii uu xilka qabtay.

Hadii Itoobiya ay ciidankeeda ka saarto xuduuda lagu muransan yahay waxay taasi muujin doontaa sida ay Itoobiya uga go'an tahay nabada ay sheegayso.