Caalamka:-ICG oo ka digtay in xiisada khaliijka saameyn ku yeellato Soomaaliya.
Kooxda xasaradaha Adduunka ee ICG ayaa ka digay in khilaafka u dhexeeya dowladaha khaliijka Carabta inuu saameyn ku yeesho degenaanshaha Soomaaliya.
War ay soo saartay kooxda ayaa loogu baaqay Siyaasiyiinta Soomaalida inay joojiyaan inay lakala jirsadaan dhinacyada isku haya khilaafka ka taagan Khaliijka, sida Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo iyo dowladda Qatar.
ICG ayaa sidoo kale sheegtay in khilaafka Khaliijka ay khatar gelin karto qalalaasaha isa soo taraya ee Soomaaliya gudaheeda ka jirta, sida Somalia iyo Somaliland.
Ururka Xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wada hadal dhexmara dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii labada dal uu xiriirkooda mugdi soo dhex galay, kaddib tallaabooyin ay qaaday dowladda Soomaaliya oo ay ka carootay Imaaraadka Carabta.
Waxaa ay sheegeen in xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacda Soomaaliya in ay ka faa’iidi karaan Kooxaha la dagaalama dowladda Soomaaliya ee jihaad doonka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ka qaadatay khilaafka Khaliijka, inkastoo Maamul goboleedyada taageersan Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku dhaliileen inay dhinac la jirsatay oo ay Qatar xigsatay.
Khilaafka muddada sanadka ah u dhaxeeya awoodahaas Bariga Dhexe ayaa haatan halis weyn ku haya Soomaaliya, waxaana laga digayaa in ay burburiyaan guulaha ilaa iyo iminka laga gaaray soo kabashada Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ICG.
Caalamka:-ICG oo ka digtay in xiisada khaliijka saameyn ku yeellato Soomaaliya.
Caalamka:-ICG oo ka digtay in xiisada khaliijka saameyn ku yeellato Soomaaliya.