Caalamka:-Cunaqabatayntu cidwalbay u daran tahay Madaxweynaha Dalka Ruushka.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in cunaqabataynta reer Galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka "ay dhibaato ku tahay cid walba"in la qaadana ay dan ugu jirto qof walba.
Isaga oo ka hadlaya Austria ayuu sheegay in dhaqaalaha Ruushku uu u korayo si miisaaman, inkastoo Midawga Yurub iyo Maraykanka ay cunaqabataynno ku soo rogeen Ruushka ka dib markii uu Ukraine kala wareegay gobolka Crimea.
Hogaamiyaha Austria Sebastian Kurz ayaa sheegay in dalkiisu uu doonayo in uu noqdo buundo isku xirta reer Galbeedka iyo Ruushka.
Laakiin wuxuu sheegay in uusan hoos u dhigaynin cunaqabataynta uu soo rogay Midawga Yurub.
Safarkan ayaa ahaa midkii koobaad ee Putin ku tago Galbeedka Yurub ku dhawaad muddo hal sano ah.
Booqashadiisa ka horna, madaxweynaha Ruushku wuxuu sheegay in Moscow aysan isku dayaynin in ay kala qaybiso 28ka dal ee xubnaha ka ah Midawga Yurub.
Xubno badan oo ka tirsan axsaabta qunyar socodka ah ee dalalka Yurub ayaa walaac ka muujiyay xiriirka dhaw ee u dhaxeeya xisbiga United Russia ee Putin taageersan iyo axsaabta midigta fog ee ka jira dalalka Midawga Yurub.
Labada xisbi ee hadda haya talada dalka Talyaani ayaa jeclaysanaya in ay xiriir dhaw la samaystaan Ruushka waxayna naqdiyaan Midawga Yurub.
Dawladda cusub ee Talyaaniga ayaana ku baaqday in dib loo fiiriyo cunaqabataynada la saaray Ruushka, waxayna sheegtay in arrintaasi "ay halis ku hayso shacabka Ruushka".
Caalamka:-Cunaqabatayntu cidwalbay u daran tahay Madaxweynaha Dalka Ruushka.
Caalamka:-Cunaqabatayntu cidwalbay u daran tahay Madaxweynaha Dalka Ruushka.