Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagaga Hadlay Dagaalka Tuke-Raq+Qodobad Ka Soo Baxay.
toddobaadka lagaga hadlay dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo maamul gobolleedka Puntland.
Xildhibbaan Stephen Doughty ayaa weydiiyay wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Harriett Baldwin doorka ay dawladda Ingiriisku ka qaadanayso joojinta dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo maamulka Puntland ayaa waxa ay wasiiradu sheegtay in safiirka Ingiriiska ee Muqdisho joogaa uu wada-hadal la yeeshay Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland isaga oo kala hadlay sidii loo joojin lahaa dagaalka loona gaadhi lahaa xabad joojin waarta.
Wasiir Harriett waxa ay ku jawaabtay "Safiirkeena Soomaaliya ayaa la hadlay dawladdaha Soomaaliya, Somaliland iyp Puntland si uu hoosta uga xariiqo ahmiyada ay leedahay xabad-joojin waarta, rabshada ayaa dhacay iyada oo ay markii hore adkay xaaladda bini’aadanimo ayay isku dhacyaduna ugu sii biireen dadkii deegaanka.
Isaga oo ka hadlay Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Puntland waxa safiirkeedu u caddeeyay in horumarka dhaqaalaha iyo keenista addeeg wanaagsan iyo jawaab wax ku ool ah oo laga bixiyo culuyska deegaanku ay ku xidhan tahay sii wadista xabad joojinta oo ugu dambayn keenta nabad waarta, Ingiriisku waxa uu sii wadayaa in uu dhiirigeliyo wad-hadal joogta ah oo midho dhala”
Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagaga Hadlay Dagaalka Tuke-Raq+Qodobad Ka Soo Baxay.
Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagaga Hadlay Dagaalka Tuke-Raq+Qodobad Ka Soo Baxay.