Spain:-Tirada wasiirrada dumarka ah ee Spain oo ka batay ragga+Sababta.

0
Thursday June 07, 2018 - 08:42:16 in by salman abdi
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Spain:-Tirada wasiirrada dumarka ah ee Spain oo ka batay ragga+Sababta.

    Spain:-Tirada wasiirrada dumarka ah ee Spain oo ka batay ragga+Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Spain:-Tirada wasiirrada dumarka ah ee Spain oo ka batay ragga+Sababta.

Ra'iisulwasaaraha dalka Spain Pedro Sánchez ayaa 17ka xubnood ee golahiisa wasiirrda 11 ka mid ah ka dhigay dumar, waana tirada ugu badan dalalka qaaradda Yurub oo dhan.

Sánchez oo sheegta in uu arrimaha dumarka u jajaban yahay ayaa tallaabada uu qaaday ay ka duwan tahay midii Ra'iisulwasaarihii isaga ka horreeyay ee Mariano Rajoy, kaas oo ay golahiisa wasiirradu ragu u badnaayeen.

Mariano ayaa xilka laga qaaday toddobaadkii hore.

Dumarka ayaa loo dhiibay masuuliyadaha ugu culculus sida, wasiirka difaaca, dhaqaalaha, maaliyadda iyo wasiirka waxbarashada.

Pedro Duque oo horay cirbixiyeen u soo noqday ayaa laga dhigay wasiirka sayniska.

Sánchez ayaa golahiisa wasiirrada ka soo kala xulay xisbigiisa iyo xubno kale oo khibrad leh balse aan siyaasadda ku jirin, waxaana lagu tilmaamay "golaha wasiirrada ee dumarka".

Isaga oo telefeshinka ka hadlaya ayuu sheegay in xukuumaddiisa cusub ay ka kooban tahay dad "wadaaga arragti mid ah oo ku aadan in bulshadu horay u tallaabsato, kuwaas oo casriga la jaanqaadaya wada jirka Yurubna taageersan.