Caalamka:-Ururka FESTU oo shirka shaqada adduunka horgeeyay xaalada adag ee shaqaalaha Soomaaliyeed ku shaqeeyaan

0
Thursday June 07, 2018 - 08:42:16 in by salman abdi
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Ururka FESTU oo shirka shaqada adduunka horgeeyay xaalada adag ee shaqaalaha Soomaaliyeed ku shaqeeyaan

    Caalamka:-Ururka FESTU oo shirka shaqada adduunka horgeeyay xaalada adag ee shaqaalaha Soomaaliyeed ku shaqeeyaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Ururka FESTU oo shirka shaqada adduunka horgeeyay xaalada adag ee shaqaalaha Soomaaliyeed ku shaqeeyaan

Magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaa ka socda fadhigii 107aad ee Shirka Shaqada Adduunka ee hay’adaha QM u qaabilsan Shaqada Adduunka (ILO) kaasoo sanadkiiba mar la qabto.

Shirkan ayaa waxaa dalka Soomaaliya uga qeyb galaya wafdi seddax geesood ah oo ka kala socda dowlada, ururada shaqaalaha iyo ururada loo shaqeeyaha sida uu dhigayo nidaamka u degsan ILO.

Shirka ayaa sanadkan waxaa diirada lagu saarayaa dhibaatada loo geysto haweenka shaqeeya iyo jiritaan la’aanta shaqooyin aan tayo laheyn kuwaasoo sababa hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha iyo horumar la’aanta bulshada.

Wafdi uu hogaaminaya Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU Cumar Faaruuq Cusmaan oo sidoo kale ah ergayga rasmiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ku matalaya shirkan ayaa ka qeyb qaadanaya doodaha shirka iyo guddiyada kala duwan ee looga hadlayo barnaamijka shirka.

Maalintii shalay aheyd ayuu Cumar Faaruuq Cusmaan khudbad ka jeediyay fadhiga 107aad ee shirka shaqada aduunka ayuu sheegay in dhibaateynta ku saleysan jinsiga iyo jiritaan la’aanta shaqoyin aan tayo laheyn ay yihiin dhibaatooyin muhiim ah oo daba dheeraaday.

"Haweenka ma aha oo kaliya kuwa soo shaqeeya nolol maalmeedka reerahooda balse waa laf-dhabarta dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed. Dhibaatada lagu hayo ayaa ah mid aad u daba dheeraatay. Waxaana lagu sameeyaa takoorid dhinaca shaqada ah” ayuu yiri Cumar Faaruuq oo la hadlayay ergada shirka oo kor u dhaafeysay 4000 ergo.

Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU ay u codeeyeen in ILO ay meelmariso heshiis caalami ah oo ka hor tagaya dhibaatada lagu hayo haweenka iyo ragga marka ay joogaan goobaha shaqada.

Ururka FESTU waxaa uu amaan usoo jeediyay dowladda Soomaaliya oo 30kii bisha May meel marisay qabyo qoraalka sharciga looga hortagayo dhibaateynta ku saleysan jinsiga kuwaasoo si gaar ah u taabanaya haweenka. "Waa tilaabo wanaagsan oo dhinaca horumarka loo qaaday, waxaana ku bogaadineynaa dowlada tilaabadan wax ku oolka ah oo ay ugu hortageyso dhibkan,” ayuu yiri Cumar Faaruuq.

Mar uu ka hadlaayay abuurista shaqooyin tayo leh, Cumar Faaruuq waxaa uu hoosta ka xariiqay in dalka Soomaaliya uu yahay dal si weyn ugu baahan abuurista shaqooyin tayo leh. "Waxaan ku boorinaynaa dowlada Soomaaliya in ay abuurto jawi lagu abuuri karo shaqooyin tayo leh ayada oo laga faa’ideysanayo barnaamijka shaqo abuurka tayada leh ee ILO” ayuu Cumar Faaruuq ka hor sheegay fadhiga guud ee hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan shaqada.

"Waxaa loo baahan yahay in sii socoshada dhaqankii hore uu ku saleysnaa dhibaateynta, caburinta iyo handadaada lagu hayo xubnaha iyo hogaamiyayaasha ururada shaqaalaha wax laga badalaa. Xaqiiqdii waxaan ka rajeyneynaa dowlada in aysan cadowsan ururada shaqaalaha oo ay awoodsiiso si ay u noqdaan xoog kala shaqeeya horumarka dalka” ayuu hoosta ka xariiqay Cumar Faaruuq.

Dalka Soomaaliya ayaa soo jiitay dareenka shirka markii dad aan aheyn ururada shaqaalaha lagu soo qoray liiska ururada shaqaalaha balse markii dambe ay soo faragelisay guddiga ILO u qaabilsan la socodka ergooyinka shirka imaanaya taasoo keentay in labo shaqsi oo lagu soo qoray ay guddiga ka saareen liiska ergada shaqaalaha.

Sidoo kale fadhigan ayaa waxaa laga filayaa in ay kasoo baxaan go’aanno si gaar ah ugu saabsan dalka Soomaaliya, xafiiska cusub ee ay ILO ka furatay magaalada Muqdisho iyo sidii waji wada shaqeyb looga dhex abuuri lahaa sedaxda qeybood ee kala ah dowlada, ururada shaqaalaha iyo ururada loo shaqeeyaha.