Yeman:-Tahriibayaal ku dhamaaday xeebaha dalka Yemen Iyo Moogananta Dawladaha Somalida.

0
Thursday June 07, 2018 - 08:42:16 in by salman abdi
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yeman:-Tahriibayaal ku dhamaaday xeebaha dalka Yemen Iyo Moogananta Dawladaha Somalida.

    Yeman:-Tahriibayaal ku dhamaaday xeebaha dalka Yemen Iyo Moogananta Dawladaha Somalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yeman:-Tahriibayaal ku dhamaaday xeebaha dalka Yemen Iyo Moogananta Dawladaha Somalida.

Ugu yaraan 46 qof oo tahriibayaal ah oo Soomaaliya ka dhoofay kuna socday dalka Yemen ayaa doon ay saarnaayeen waxay kula dagtay xeebaha Yemen, waxaana warkan laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Waxaa sidoo kale la baadigoobayaa 16 qof oo kale kadib markii doontoodii ay gadoontay, sidaasina waxaa sheegtay hay'ada Socdaalka Dunida.

Dad mashaqadan ka badbaaday ayaa sheegay in doontu ay saarnaayeen 100 qof oo ay ka soo qaaday dekada magaaladda Boosaaso.

Dadkan ayaa la sheegayaa inay shaqooyin u doonanayeen dalka Yemen iyo wadamada kale ee Khaliijka.

Tahriibayaashani ayaa la sheegayaa inay dhamaantood ahaayeen dad Itoobiyaan.

Hay'ada IOM ee Socdaalka Aduunka ayaa ku waramaysa in doontan ay degtay maalinkii Arbacada, dadka ku dhamaadayna waxaa ka mid ah dumar gaarayay sagaal qof, raguna waxay ahaayeen 37 iyo caruur.

Dad ka mid ah kuwa doonta saarnaa ayaan wadan jaakadaha badda looga badbaado, sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah dadka badbaaday

'Dad ka badan 7,000 oo qof oo tahriibayaal ah ayaa safarkan qatarta ah gala bila walba; sanadkii la soo dhaafay oo kaliya 100,000 ayaa safray,'' Maxamed Abdikadir oo IOm ka tirsan ayaa sidaasi sheegay.

'Dadkani waxay maraan xaalado xun. Waana in la soo afjaraa safaradan,' ayuu raaciyay sarkaalkan u hadlay IOM

Tahriibayaal iyo qaxooti geeska Afrika ka yimid ayaa Yemen u socdaalayay sanadihii la soo dhaafay, sababtoo ah Yemen waxay albaab laga galo oo sahlan u tahay wadamada kale ee Khaliijka iyo Yuruba.

Balse yemen ayaa gashay dagaal sokeeye iyo xaalad bani'aadanimo oo aad u liidata