Washington:-Madaxweyne Trump oo cafis u fidiyey haweeney 22 sano xirnayd+Arimaha Lagu Haystay.
Haweeney u dhalatay Maraykanka oo la xiray sanadkii 1996 taas oo loohaystay dambi la xiriira daroogo ayaa jeelka laga sii daayey kadib markii uu cafis u fidiyey madaxweyne Trump.
Muuqaal ay baahiyeen TV-yadu ayaa muujiyey haweenaydaan oo la kulmaysa xubno kamid ah qoyskeeda kadib markii ay kasoo baxday xabsi kuyaal gobolka Alabama.
Kiiska haweenaydaa ayaa waxaa soo bandhigay Kim Kardashian West, kaas oo la kulmay Madaxweyne Trump si xoogga loo saaro siidaynteeda.
Aqalka cad ayaad sheegay in Alice Johnson ay ahayd maxbuus kudaysho mudan ayna aad ugu dadaashay sidii ay nafteeda u dhaqan celin lahayd.
Waxaa lala xidhay 15 qof oo kale sanadkii 1996 ayadoo qayb ka ahayd dadka iibiya daroogada cocaine -ta.
Haweenaydaan oo warbaahinta la hadashay siidaynteeda kadib ayaa u mahadcelisay Madaxweyne Trump, waxayna tidhi sidatan:
"Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo madaxweyne Trump, wuxuu isiiyey fursad kale oo nololeed, aad ayaan ugu mahadnaqayaa. Waxaan filayaa inaan noloshayda markale dib u bilaabi doono, maanta waa maalin mucjiso ah. Waxaan dareemayaa madax banaani, xor ayaan u ahay inaan xabadka galiyo qoyskayga, xor Ayaan u ahay inaan noolaado. Xor Ayaan u ahay inaan nolosha dib u bilaabo. Maanta waa maalin muunad gaar ah ii leh, qalbigaygu wuxuu ka mahadcelinayaa wixii dhacay".
Washington:-Madaxweyne Trump oo cafis u fidiyey haweeney 22 sano xirnayd+Arimaha Lagu Haystay.
Washington:-Madaxweyne Trump oo cafis u fidiyey haweeney 22 sano xirnayd+Arimaha Lagu Haystay.