Berbera:-Ciidanka Magaalada Berbera Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Magafayaal Iyo Dhalinyaro La Tahriibiyay+Tirada La Soo Xidhxidhay.

0
Thursday June 07, 2018 - 14:04:09 in by salman abdi
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera:-Ciidanka Magaalada Berbera Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Magafayaal Iyo Dhalinyaro La Tahriibiyay+Tirada La Soo Xidhxidhay.

    Berbera:-Ciidanka Magaalada Berbera Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Magafayaal Iyo Dhalinyaro La Tahriibiyay+Tirada La Soo Xidhxidhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera:-Ciidanka Magaalada Berbera Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Magafayaal Iyo Dhalinyaro La Tahriibiyay+Tirada La Soo Xidhxidhay.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Eng Axmed Cismaan Xasan, oo warbaahinta ugu waramayay Magaaladda Berbera ayaa sheegay in 8 xubnood oo magafeyaal ah isla markaana damacsanaa in ay dhalinyaro u dhalatay Somaliland ka u tahriibiyaan dhinaca Yemen ayaa gacanta Laga soo dhigay.


Badhasaabku waxa kale oo uu xusay in ay sidoo kale soo qabqabteen dhalinyaro tiro badan oo magaaladda Berbera u yimid sidii ay uga bixi lahaayeen Magaaladda Berbera, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Ma jirto cid Berbera ka ilaa iminka ka baxday, laakiin dadkii lagu soo lug gooyay ee la yidhi Berbera ayaa laga baxayaa oo laga tahriibayaan ayaanu gacanta ku soo dhignay oo aanu haynaa.


Dad dhalinyaro ah oo ay qabteen ciidamada Booliska , Ciidanka Bada Iyo Dadweynaha Reer Berbera oo ay sida runta ah aad u dhibtay dhawaaqaas beenta ah ee laga sameeyay Magaaladda, xitaa wax la qabtay dadkii iska caadiga ahaa ee iska soo dabaal tagay ee magaaladda Berbera yimid, kuwaas oo ay soo qabteen Dadweynaha Reer Berbera waxaanay yidhaahdeen kuwani way ku cusub yihiin Magaaladda” Ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxi oo ka hadlayay Hawl galo lagu qabqabtay dad looga shakiyay in ay ka tahriibayaan Magaalada Berbera.

 

Sidoo kale waxa uu xusay in Magafeyaal damacsanaa in ay Magaaladda Berbera ka saaraan dhaliyaro u dhalatay Somaliland ay iyagana gacanta u soo dhigeen "Dadka Xidhan waa niman magafeyaal ah oo dhalinyarada soo lug gooyay, kuwaas oo dhalinyarada telefoono u dirayay, kuwaasi waa xidhan yihiin sharcigana waa la hor geyn doonaa.

Inta ilaa iminka xidhan ee ku eedaysan Magafenimadu waa 8 xubnood kuwaas oo afar ka mid ahi ay yihiin soomaali, afarta kalena waa carab” ayuu yidhi.