Hargeisa:-Madaxweyne Biixi Iyo Xubno Isugu Jira Siyaasiyiin, Ganacsato Iyo Wax-Garad Ka Soo Jeeda Beesha Galbeedka Burco Oo Kulan Albaabada Isugu Xidhay Iyo Nuxurka Waa-hadalkooda.

0
Friday June 08, 2018 - 13:40:04 in by salman abdi
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Madaxweyne Biixi Iyo Xubno Isugu Jira Siyaasiyiin, Ganacsato Iyo Wax-Garad Ka Soo Jeeda Beesha Galbeedka Burco Oo Kulan Albaabada Isugu Xidhay Iyo Nuxurka Waa-hadalkooda.

    Hargeisa:-Madaxweyne Biixi Iyo Xubno Isugu Jira Siyaasiyiin, Ganacsato Iyo Wax-Garad Ka Soo Jeeda Beesha Galbeedka Burco Oo Kulan Albaabada Isugu Xidhay Iyo Nuxurka Waa-hadalkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Madaxweyne Biixi Iyo Xubno Isugu Jira Siyaasiyiin, Ganacsato Iyo Wax-Garad Ka Soo Jeeda Beesha Galbeedka Burco Oo Kulan Albaabada Isugu Xidhay Iyo Nuxurka Waa-hadalkooda.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Wax-garadka Beesha Galbeedka Burco ayaa waxa ay shalay kulan gaar ah oo albaabadu u xidhnaa ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada Somaliland kaasi oo aan wax war ah laga soo saarin warbaahintana lala wadaagin.

 

Xubno isugu jira Ganacsato, Siyaasiyiin iyo Wax-garad kale oo bulshada dhexdeeda caan ka ah kana soo jeeda Beesha Habar Yoonis ayaa waxa ay kulankan albaabadu u xidhnaa la yeesheen Madaxweynaha Shalay gelinkii hore iyada oo wararka aanu kulankaasi la helnay ay tibaaxayaan in ay labada dhinac kaga arrinsadeen xaaladda colaadda soo noqnoqtay ee Degmada Ceel-Afweyn iyo tabashooyinka ay beeshu qabto iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee waddanku ku sugnaa tan iyo doorashadii Madaxtooyo ee dalka ka qabsoontay oo saamayn weyn ku yeelatay dhinaca beelaha oo kala qaybsanaan xoog lihi ka dhalatay.

 

Ilo-wareedyo u dhuun-daloola kulankii shalay ee qasriga Madaxtooyada ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyey in ay labada dhinac iskula jeexjeexeen xaaladda colaadda Ceel-Afweyn iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa iyo waliba sidii Beeshu ula shaqayn lahayd xukuumadda ee wax looga qaban lahaa tabashooyinka ay qabaan taasi oo la sheegay in ay dhinacyadu si weyn isula qaateen una ballameen kulamo kale oo lagu sii ambaqaado sidii xal waara loo gaadhi lahaa isku duubnimada iyo walaalnimada beelaha Somaliland-na loogu wada guntan lahaa.

 

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta beesha Galbeedka Burco ka soo jeeday ee kulankan Madaxweynaha la yeeshay waxa ka mid ahaa sida warkani nagu soo gaadhay Ganacsade Maxamed Baarjeex, Ganacsade Aadan Baradho iyo Siyaasi/Ganacsade Khadar Aadan Xuseen (Ambassador) iyo waliba xubno kale oo miisaan iyo Magacba ku leh Bulshada.

 

 

 

Ma jiraan war rasmi ah oo xukuumaddu ka soo saartay kulankaasi mana jiraan xog ay warbaahinta siiyeen balse warar hoose ee naga soo gaadhayaa waxa ay sheegayaan in mabda’ ahaan la iska qaatay in xaaladda colaadeed ee Deegaanka Ceel-Afweyn laga gaadho xal degdeg ah oo kama dambays ah ganacsato, odayaal iyo siyaasiyiina loo midoobo sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa cid kasta oo nabadda carqalad ku ah.