War Deg Deg Ah Qaramada Madoobay Oo Hada Warmurtiyeed Ka Soo Sartay Dagaalka Tuke-raq
Golaha Amaanka ee QM ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay Kaga Hadleen Xaaladda Soomaaliya, Horumadda Dowalddu ay sameeysay iyo Colaadda u dhxeeysa Somaliland iyo punt land.
Qaramada Midoobay waxa ay labada dhinac ugu baaqeen in ay is xakameeyaan isla markaana ay colaadaasi si bilaa shuruud ah u joojiyaan.Golaha Amaanka ayaa codkooda ku biiriyay baaqii loo soo jeediyay Somaliland Iyo Puntland ee ku saabsanaa in la joojio dagaalka Tukeraq.
Waxa kale oo ay ku taliyeen in dadka labada dhinac loo ogolaado xorriyad in ay u helaan noloshooda.
in kasta oo aanay iminka jirin wax dagaal
ahi, hadana goobtii lagu dagaalamay ayaa ah mid mar walba laga filan karo dagaal labada dhinac ku dhex mara halkaasi.
Somaliland iyo Puntland ayaa mid waliba ka kale uu ku eedaynayaa in uu dagaalka masuuliyadiisa leeyahay, mana jirto cid ilaa iminka ku dhex jirta, marka laga yimaado baaqyadda iska soo daba dhacaya.
War Deg Deg Ah Qaramada Madoobay Oo Hada Warmurtiyeed Ka Soo Sartay Dagaalka Tuke-raq
War Deg Deg Ah Qaramada Madoobay Oo Hada Warmurtiyeed Ka Soo Sartay Dagaalka Tuke-raq