War Deg Deg Ah:-Dalka Austria Oo Masaajiddo Xidhaysa Afartan Imaam Na Mastaafurinaysa +Sababta Ka Danbaysa.

0
Friday June 08, 2018 - 14:29:24 in by salman abdi
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Dalka Austria Oo Masaajiddo Xidhaysa Afartan Imaam Na Mastaafurinaysa +Sababta Ka Danbaysa.

    War Deg Deg Ah:-Dalka Austria Oo Masaajiddo Xidhaysa Afartan Imaam Na Mastaafurinaysa +Sababta Ka Danbaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Dalka Austria Oo Masaajiddo Xidhaysa Afartan Imaam Na Mastaafurinaysa +Sababta Ka Danbaysa. Dalka Austria ayaa sheegtay in ay xidhayso todoba

masaajid, tiro ururro diimeed ah oo lacago ka hela dibadda iyo in sidoo kale ay mastaafurinayso afartan imaam.



Ra'isal Wasaare Sebastian Kurz ayaa sheegay in talaabadan looga gol leeyahay in lagaga hor tago Islaamka siyaasadaysan, waxaanu sheegay in bulsho bulshada dalka baal socota aan laga ogolayn Austria.


 

 

Tallaabadani waxay daba socotaa baadhitaanno maamulku ku hayey dhawr masaajid oo Turkigu dhaqaale siiyo.


Horraantii sannadkan ayaa waxa soo baxay sawirro muran dhaliyey oo muujinayey dagaal ka dhacay goobta la yidhaa Gallipoli xiligii Dagaalkii Labaad ee Dunidu socday oo mid ka mid ah masaajidadaas la xidhay {ardayda wax ka dhigataa} mataleen. Waxaana caruurta loogu labisay tuutihii askarta Turkiga.


Af-hayeenka madaxweynaha Turkiga, Ibrahim Kalin, ayaa yidhi talaabadaa Austria waxay caddayn u tahay mawjaddaha Islaam nacaybka iyo cunsuriyadda ah. Waxaanu ku eedeeyey Vienna in ay macaash raqiis ah ku doonayso bulshada Muslimiinta ah ee ay beesanayso.