Caalamka:-Kuraas maran oo lagu xusay dadkii ku dhintay diyaaraddii lasoo ridey ee Malaysia.
Caalamka:-Kuraas maran oo lagu xusay dadkii ku dhintay diyaaraddii lasoo ridey ee Malaysia.
Qoysaska iyo qaraabadii dadkii ku baxay diyaaraddii la waayay ee dalka Malaysia ee MH17 ayaa sameeyay baroordiiq la yaab leh. Kuraas maran oo ah tirada dadkii diyaaradda saarnaa ayay ku hor qabteen safaaradda Ruushka ee Malaysia.
298 kursi - oo ah tirada dadkii saarnaa diyaaradda - ayaa la saaray ubaxyo gudduudan, waxayna dadka codsanayeen in ay caddaalad helaan dadkaas.
Baaris la sameeyay ayaa lagu sheegay in gantaal laga soo ridey Ruushka uu diyaaradda dhulka soo dhigay sanadkii 2014-kii, balse Ruushka ayaa arrintaas beenisay.
Duulimaadka MH17 ayaa kasoo duulay magaalada Amsterdam, kuna socday magaalada Kuala Lumpur, waxaana lasoo riday mar ay dul maraysay dalka Ukraine oo ay dagaalo ka jireen markaas.
Caalamka:-Kuraas maran oo lagu xusay dadkii ku dhintay diyaaraddii lasoo ridey ee Malaysia.
Caalamka:-Kuraas maran oo lagu xusay dadkii ku dhintay diyaaraddii lasoo ridey ee Malaysia.