Odayaasha Beesha Hawiye Oo Taageeray U Muujiyey Dawlada Somaliland,Una Quus Gooyey Maamulka Puntland
Odayaal dhaqameedka beesha hawiye ayaa maanta iskugu yimi kulan balaadhan oo ay kaga hadleen arimaha coladeed ee udhaxeeya somaliland iyo butland
Waxaanay kulankooda ku cambaareeyen mamulka Puntland kuna sheegeen inay wadaan dhul balaadhsi ay ku dooniyaan hab qabiilaysan
Sikastaba ha ahaatee shir saxaafadeedkan ay qabsadeen odayaasha hawiye aya waxayKasoo saareen qodobo xasaasiya oo kamid ahaayeen
1-waxaanu ka xunahay in madaxda butland iyo madax dhaqameed keeduba ay maanta uqayla dhaan tagaan beesha daarood wayne meelay joogtaba iyagoo ku dhiiri gelinaaya in dagaalka tukaraq kala qayb qaataan
2-waxaanu usheegaynaa beesha daarood inaanay udhaga nuglaan colaadaha uu cabdi wali gaas ugu baaqayo colaadasoo uu ka dhex hurinaayo umada soomaliyed meelay joogtaba
3-Waxanu ugu baaqaynaa beesha daarood inay joojiyaan ciidamada iyo hantida ay ku caawinayaan mamulka butland taasoo aan cidna ka qarsoonayn hadii aad ka joogsan waydaana waxaanu idin xasuusin inay soomaali tahay dir iyo daarood oo anagana waajib nagu noqon doonto inaanu dagaalka kasoo qayb galno.
Odayaasha Beesha Hawiye Oo Taageeray U Muujiyey Dawlada Somaliland,Una Quus Gooyey Maamulka Puntland
Odayaasha Beesha Hawiye Oo Taageeray U Muujiyey Dawlada Somaliland,Una Quus Gooyey Maamulka Puntland