Caalamka:-Qaramada Midoobay oo ka deyrisay xaaladda Jamhuuriyada Afrikada dhexe.
Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay galitaanka ay rag hubaysan galeen isbataal ku yaalla Jamhuuriyada Afrikada dhexe.
Waxa ay Qaramada Midoobay sheegtay in rag ku hubaysan baangado iyo mindiyo ay galeen isbataal ku yaala magaalada Bambari.
Ragani ayaa shaqaalaha isbataalka iyo bukaanada u jeediyay hanjabaad.
Qaraabada bukaanada ayaa markii dambe eheladooda oo xanuunsan ka saaray isbataalka, iyada oo sidoo kale la weeraray isbataalo kale.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in bishii aanu soo dhaafnay ay kooxo hubaysan weerareen 9 xarumood oo ay lahaayeen hay'adaha gargaarka oo ku yaalay magaalada Bambari.
Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in tirada dadka ku barakacay gudaha Jamhuuriyada Afrikada dhexe ay kordhay 70% tan iyo bishii January ee sanaddii aanu soo dhaafnay.
Caalamka:-Qaramada Midoobay oo ka deyrisay xaaladda Jamhuuriyada Afrikada dhexe.
Caalamka:-Qaramada Midoobay oo ka deyrisay xaaladda Jamhuuriyada Afrikada dhexe.