Gudaha:-Madaxweynuhu Miyuu Kula Socdaa Wasiirkiisa Maaliyada Aflagaadada Uu U Gaystay Qoyska M/Siilaanyo.

0
Sunday June 10, 2018 - 09:09:10 in by salman abdi
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Madaxweynuhu Miyuu Kula Socdaa Wasiirkiisa Maaliyada Aflagaadada Uu U Gaystay Qoyska M/Siilaanyo.

    Gudaha:-Madaxweynuhu Miyuu Kula Socdaa Wasiirkiisa Maaliyada Aflagaadada Uu U Gaystay Qoyska M/Siilaanyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Madaxweynuhu Miyuu Kula Socdaa Wasiirkiisa Maaliyada Aflagaadada Uu U Gaystay Qoyska M/Siilaanyo.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa dhawaan hadal gaf ah kadaba Tuuray qoyskii Madaxweyne Siilaanyo ee talada Dalka Wareejiyay Dhamaadkii sanadkii hore,waxa uu ku faanay inuu baabiiyay Qasnad uu sheegay inay Qoyskaasi ku lunsan jireen Hantida Qaranka,arintaasi ayaa sharaf dhac ku ah Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi inay Hadalo noocaasi ah abaal gud uga dhigto Qoyskii Madaxweyne Siilaanyo oo abaal badan gashaday Muuse Biixi islamarkaana si weyn uga hawlgalay inuu talada Dalka la wareego.

Qoraal Kooban oo Aqoonyahan Shaafici kaga hadlayo arintani islamarkaana uu u soo diray Wargeyska Foore kuna baahiyay Shabakada Burco Onlinek ayaa waxa uu ku yidhi "Masuul kasta oo xil qaran loo dhiibo Waxay Bulshadu Qiimayn Iyo Aragti Rasmiya Ka bixin karaan marka uu shaqada loo igmaday gudo galo taasi oo ay fure unoqoto hadba waxa laga qaadan karo halka uu ka bilaabo masuuliyada loo dhiibay gudashadeeda waxaana xusid mudan in madaxwayne kasta oo Somaliland soo maray ay xukuumadiisa ka dhisanto, dadaalka wasaarada maaliyada Ama hadba waxqabadka uu la yimaado Wasiirul-maaliyaheedu amaba masuulka uu u igmado Wasaaradda ugu mihiimsan ee Maaliyadda, iyadoo aynu ognahay Ama Tusaale u soo qaadan karno Badbaadadii iyo Kobcintii uu Wasiirkii Maaliyadda ee ugu horeeyey xukuumaddii Siilaanyo ee Eng Maxamed Xaashi Cilmi uu badbaadiyey amaba kobciyey dhaqaalaha Somaliland iyo sidii muuqatay ee uu isbadalka Toggan ugu sameeyey shaqadii Loo igmaday Wasiir Maxamed Xaashi.

Sidoo kale Tan iyo markii Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi uu Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay Wasaarada Maaliyada ayaa waxa uu judhiiba waysada u biyeystay Aargoosi, isagoo markiiba ku dhaqaaqay talaabadiisii ugu horay ee uu wasaarada Hawlwadeenada Amaba maamulayaasha kastamada iyo Agaasimo waxeedyada uu ku sameeyo isku Shaandhayn ku Salaysan Magacaabis Iyo Xilka Qaadis oo Habka uu wax Iskugu badalay oo ahayd mid ay ka muuqato Galdaloolooyin Faro Badan oo ku taxa mid kooxaysi, qabyaaladeed, iyo sidoo kale fulinta ficilo Uu Wasiirku hal haysta u lahaa isagoo xiliyo badan wasiirka xiligan uu maqaalo uu ku baahiyo Gacanta Sedexaad uu ku Weerarijiray wasiiradii soo maray wasaarada maaliyadda qaarkood siiba Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Guntii iyo Gabo-gabagabadii Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Mr Yuusuf Maxamed Cabdi Ma Wuxuu Faan ka dhigtay oo qoryaashii u qabsoomay la noqday aflagaadada iyo Ceebaynta Qoyskii Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo saaxiibo dhaw oo isku falsafad Ah ay ahaayeen Madaxwaynaha wakhtigan Md Muuse Biixi Cabdi maadaama oo Wasiir Yuusuf Meel lagu arko isagoo kaga faanaya oo leh"WAXAAN BAABIIYEY OO AAN XIDIDADA U QASNADII QOYSKA MADAXWAYNE SIILAANYO HANTIDA SOMALILAND KU LUNSAN JIREEN”taas oo u dhigan Qodof iyo aflagaado aanu inaga gayin Mujaahid Axmed Siilaanyo oo aynu wada ognahay Kaalintiisii siyaasada Somaliland ee 40-kii Sano ee u danbeeyey iyo waxyaabihii uu u qabsoomay Somaliland mudadii uu Madaxwaynaha ka ahaa.

Faallo: Shaafici Axmed Cabdi