Dagaalka Tuke-raq Oo Saamayn Ku Yeeshay Ganacsiga Iyo Isdhexgalka Bulshada Labada Dhinac Ee (Somaliland & Puntland)
Dagaalka Tuke-raq Oo Saamayn Ku Yeeshay Ganacsiga Iyo Isdhexgalka Bulshada Labada Dhinac Ee (Somaliland & Puntland)
Guddiga difaaca maamulka Puntland oo maanta Garoowe kula hadlay saxaafadda ayaa uga digay shacabku in ay isticmaalaan garoomadda diyaaraddaha Somaliland maamusho iyo 824 Arday oo ay sheegeen in ay jaamacaddo ka dhigtaan magaalooyinka Boorame iyo Hargeysa in ay si deg deg ah uga soo baxaan goobahaas, ka dib jawaab ay ka bixiyeen guddigaasi hadal maalmo ka hor ka soo baxay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.
Dagaal labo goor ku dhexmarey deegaanka Tuko-raq ee gobolka Sool ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland oo weli halkaas isku horfadhiya ayaa iminka u muuqaal eegaatay collaad saameysay isdhexgalka bulshada labada dhinac sida arrimaha ganacsiga, waxbarashada iyo isdhex galka bulshada.
Saameynta Ganacsiga
Gadiidka dadwaynuhu raacaan ee u kala gooshi jiray magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa ayaa safarkoodu hakad ku yimid qaar kood. Dad badan oo u kala safri jiray deegaanadaasi ayaan hadda u safrin.
Dadka ganacsatada ah ee ku dhaqan magaalada Hargeysa gaar ahaan dadka uu ganacsigoodu ka iman jiray dhanka deegaanada maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta Barigaafrika waxay sheegen in dagaalkani saamayn xooggan ku yeeshay gasnacsigooda.
Isdhexgalka Bulshada
Warbaahinta madaxabanaan ee ka hawl gasha deegaanada maamulka Puntland ayaa caawa qaarkooda waxay ku waramayaan in qoysas badani ay ka carareen magaaloyinka Burco iyo Hargeysa.
Degmadda Dhahar ayaa la sheegay in qoysas gaadhay 5 qoys ay gaadheen halkaasi maanta. Wararka ayaa intaasi ku daraya in qoysadkani iskaga hayaameen Hargeysa iyo Burco, qoysaskani ayaa deegaan ahaan ahaan kolkii hore ka soo jeeday Puntland sida ay ku warantay warbaahinta madaxbanaan ee maamulka Puntland.
Dhanka kale lama sheegin wax arday ah ama qoysas ah oo ka soo jeeda dhinaca Somaliland oo ka yimid dhanka Puntland sababo la xidhiidha saameynta dagaalka Tuke-raq oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.
Dagaalka Tuke-raq Oo Saamayn Ku Yeeshay Ganacsiga Iyo Isdhexgalka Bulshada Labada Dhinac Ee (Somaliland & Puntland)
Dagaalka Tuke-raq Oo Saamayn Ku Yeeshay Ganacsiga Iyo Isdhexgalka Bulshada Labada Dhinac Ee (Somaliland & Puntland)