Hargeisa:-Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo Hada Warbaahinta La Hadalay +Arimo Xasaasiya Oo Uu Ka Hadlay Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Dhalinyaro La Isu Guurinayo.

0
Sunday June 10, 2018 - 13:44:30 in by salman abdi
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo Hada Warbaahinta La Hadalay +Arimo Xasaasiya Oo Uu Ka Hadlay Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Dhalinyaro La Isu Guurinayo.

    Hargeisa:-Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo Hada Warbaahinta La Hadalay +Arimo Xasaasiya Oo Uu Ka Hadlay Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Dhalinyaro La Isu Guurinayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo Hada Warbaahinta La Hadalay +Arimo Xasaasiya Oo Uu Ka Hadlay Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Dhalinyaro La Isu Guurinayo.

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) oo ah siyaasi dhexdhexaad ah oo inta badan si weyn uga faallooda qorshayaashiisa ka siyaasi ahaan uga meel yaalla horumarinta bulshada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale iyo Bulsheed ee shacabka ku habsaday ayaa waxa uu faahfaahin ballaadhan ka bixiyay qorshayaal shacabku si weyn u soo dhaweeyeen oo ay ka mid tahay guur-wadareed uu dhallinyarada Somaliland u qaban lahaa Lixdii Biloodba mar. taasi oo xiiso weyn iyo danayn ka dhex abuurtay Bulshada. Halka uu sidoo kaleka hadlay dhibaatada qaadku ku hayo qarankeena. Siyaasi Obsiiye oo u warramayay Barnaamijka Ganacsiga ee Telefishanka Bulsho Tv ayaa waxa uu yidhi: "Aafada ugu badan ee maanta dadkeenii ragaadisay ee dhaqaalaheenii curyaamisay caafimaad


iyo cududba innaga qaadday waa aafadaasi qaadka. Waa aafo xataasi gaar ah u ragaadisay dhallinyarada oo ah cududda umaddi ku faanto. Dhibaatadiisu halka ay innala marayso waxa kuugu filan dhallinyaradaasi yaryar ee moobilada dadka ka boobaya wax kale uma boobayaan ee qaad yaraad ku cuntid ayay u dhacayaan dadka. Umadda in laga wacyi galiyo ayaan ku baaqayaa saxaafaddana inta wax ka qabanaysa waan ku bogaadinayaa. Dhibka uu umadda bahalkaasi ku hayo waa in aad looga wada shaqeeyaa sidii wax looga qaban lahaa. Arrimo badan ayaan ka daraaseeyey qaadka iyo dibka uu innagu hayo oo aan wax ka qoray.

 


Dhinaca kale Siyaasi Cabdiqaadir oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyey Guur-wadareedka oo bulshadu aad u hadal hayso ayaa waxa uu yidhi:Mid haddaan ka xuso dhacdooyinka aan la yaabay markii aan xog ururintiisa ku jiray nin reer Miyi ah ayaa soo qayilay. Imikana waxaad ogtihiin in uu aad ugu sii daran yahay dadka reer baadiyaha ah. Ninkii markii uu soo qayilay ayuu xaggii reerkiisii u soo carraabay. Qoys ka sokeeya halkii reerkiisu deganaa ayuu reerkiisii mooday. Ninkii reerkan lahaana wakhtigaana ka maqnaa. Gurigu waa aqal soomaali yar oo buul ah. Buulkii oo ubadkii iyo haweenaydii dhex jiifaan ayuu daf yidhi oo iska galay. Islaantii way yaabtay. Ninkii kabihii buu iska bixiyay oo biyihii buu iska soo darsaday. Iyadu waxa ay leedahay waar ninkii hebel maxaa ku dhacay muu waashay illayn way garanaysaa in uu yahay ninkii odayga ahaa ee ay jaarka ahaayeene. Islaantii waatan yaabtay ee naxdin Ilaahay u keenay. Waxa ay is leedahay ninkii waa waashay oo aadbay uga baqanaysaaba. Islaantii way ku qaylisay. Ninkii buulkii buu ka soo booday isaga oo si kale ah ayuu baxsaday. Ninkaasi waalli muxuu dhaamaa. Waa arrin xaqiiqo ah oo dhacay waxaand arkaysaa halka bahalkaasi qaadka ahi inala marayo. Boqollaal sheeko oo kuwaasi la mid ah iyo kuwo la ka duwan ayaan wax ka qornay oo aanu haynaa. Dhibaatadiisa waxa ka mid ah in uu saamayn ku leeyahay sicir bararka iyo qiimo dhaca shilinka Somaliland. habeenkii lacag saddex Milyan illaa Lix milyan ah ayaa qaadka inaga baxda. Waxa la sheegaa in dollar lagu raadiyo lacagtii qaadka la siiyay. Wax alla waxaa kaash qaadka lagu iibinayo marka habeenkii la yidhaa dollar baa lagu baddalayaa xaggee laga keenayaa. Dhibaato weyn weeyi qiimo dhaca shilinka isaga ayaa kow ka ah. Haddii Ilaahay nagu guuleeyo qorshe ayaa nooga meel yaalla waanay fududahay sida aan wax badan uga qaban karayo dhibaatadiisa oo umaddani jihayn ayay u baahan tahay. Qaadku waa aafyo qaran xaqiiq ahaan”.

 

 

"Guur-wadareedku waxa uu ku jiraa Barnaamijkayga siyaasadeed. Sidaa aad sheegtayna dhallinyaro badani waa ay soo dhaweeyeen iyo Bulshadu. Waxa aad mooddaa in dad badani aanay is lahayn malaha waa wax suurto gal ah balse illaa umadda wax lagu hogaamiyo oo la tuso in badani rumaysan mayso. Waa barnaamij aan hore cidi waxba uga qaban siyaasi iyo madaxweyne toona. Mid qabta iska daaye xataa wax ku hammiyey aanu jirin. Barnaamij siyaasadeedkayga waxa ku jira 7-qodob oo aan ula baxay toddobada arrimood ee Mucjisada ah oo Insha Allaahu aanu wakhtigeeda faahfaahin doono, markaa Guur-wadareedku kuwaasi ayuu ka mid yahay. Qorshahayga siyaasadeed ee dhallinyarada ku jihaysan weeyi. Waa qorshe istaraatiiji ah oo habaysan oo qoran. Sannad walba waxa aan dhallinyarada ka saacidi doonaa in aanu u samayno Guur-wadareed ama Lixdii Biloodba mar hadba sidii dhaqaaluhu innoogu saamaxo. Dhallinyaradu waa cududdii waddanka, waa Mustaqbalkii iyo aayihii waddanka haddana waxa ay ku dhammaadeen Tahriib iyo rajo la’aan. Shaqo la’aan bay gidaarada la fadhiyaan. In aannu jihayno oo aannu awoodda saarno sidii aanu baahiyahooda uga turjumi lahayn ayaa noo qorshaysan. Hadday shaqo noqoto, haddii ay guur noqoto iyo haddii ay wax kasta oo noloshooda wax taraya noqoto aadbaan uga shaqayn doonaa haddii Alle nagu guuleeyo. Waxaan ku dadaali doonaa haddii aanu ku guulaysano in Gobol kasta Lixdii Biloodba mar la isku dhiso 50 wiil iyo 50 hablood oo aan sidaa ku yagleelno 50 qoys oo Muslim ah oo reer Somaliland ah. Gobol walba in intaasi laga qabto ka hor inta aan guur wadareedka loo qabana loo dhiso laba laba makhsin oo guryo ah. In inta la isku dhiso suuqa lagu sii daayo xikmadi kuma jirto ee waa in laga caawiyaa hoygii ay gali lahaayeena. Waa in aad u samaysaa halkii ay ka shaqaysan lahaayeen, kadib aad aqal galkooodii ka caawisaa kadibna guri ay ku bilaabi karaan noloshooda aad u dhistaa. Wixii intaa ka dambeeya iyaga ayaa dadaalaya oo sii wadanaya horumarka noloshooda”. Ayuu yidhi Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka).