Singapore:-Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ka dagay Singapore.

0
Monday June 11, 2018 - 08:36:14 in by salman abdi
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Singapore:-Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ka dagay Singapore.

    Singapore:-Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ka dagay Singapore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Singapore:-Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ka dagay Singapore.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dagay dalka Singapore isaga oo halkaas kulan kula leh madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Kulankan taariikhiga ah ayaa ka dhici doona jasiiradda loo tamashle tago ee Sentosa maalinta Talaadada ah.

Waxayna noqon doontaa markii koobaad ee madaxweyne Maraykan ah oo xil haya uu la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Intii uusan Trump u duulin shirka wuxuu kulankaas ku tilmaamay "fursad qur ah oo lagu beegsan karo" nabadda wuxuuna intaas ku daray in labadoodu ay arrinta si dhab ah ugu soo jeedaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Singapore Vivian Balakrishnan ayaa Twitterka soo galiyay sawirka Kim ka dib markii uu jasiiradda dalkaas cago dhigtay.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @VivianBala
 

Welcomed Chairman Kim Jong Un, who has just arrived in Singapore.

 
 

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @VivianBala

Washington waxay rajaynaysaa in shirkan uu noqon doono billawga qorshaha uu Kim kaga tanaasulayo hubkiisa nukliyeerka ah.

Xiriirkii labadan masuul soo dhexmaray 18kii billood ee u dambeeyayna wuxuu ahaa mid kaaf iyo kala dheeri ah.

Mar bay isugu hanjabeen dagaal lagu halaagsamo, haddana waxay go'aansadeen in ay is hor fariistaan.

Labada masuul waxay la kulmi doonaan ra'iisulwasaaraha Singapiore Lee Hsien Loong ka hor inta aysan yeelanin kulan fool ka fool ah.