Gudaha:-Gobolada Awdal Iyo Salal Wado Xumo Ayaa Ka Jjirta"Gudoomiyaha Hayada Asarda.

0
Monday June 11, 2018 - 17:09:02 in by salman abdi
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Gobolada Awdal Iyo Salal Wado Xumo Ayaa Ka Jjirta"Gudoomiyaha Hayada Asarda.

    Gudaha:-Gobolada Awdal Iyo Salal Wado Xumo Ayaa Ka Jjirta"Gudoomiyaha Hayada Asarda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Gobolada Awdal Iyo Salal Wado Xumo Ayaa Ka Jjirta"Gudoomiyaha Hayada Asarda.

Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Gobolka Awdal Ee ASARDA Yaasiin Qalinle ayaa sheegay in deegaanada hoos yimaada Gobolada Awdal Iyo Salal ay soo food saartay waddo xumo baahsan oo saamayn ku yeelatay isu socodka deegaankaasi.


"Dhibaatooyinka soo noqnoqda oo dhan waxa sabab u ah waddo xumaan, labada gobol ee Awdal iyo salalna waxa haysata waddo xumo baahsan.Sidoo kale waxa uu xusay in dadka deegaanka degani ay khatar ku hayaan deegaanka isla markaana ay gacmahooda isugu horseedeen Nabaad guur.

Inamada baabuurta wada ee deegaamadaasi ka shaqaysa haddii aragto dhiigooda ayay cabayaan, aniguna wax walba oo ay I weydiiyaan kolay kama
hagrado ee waan u qabtaa” ayuu yidhi mar uu u waramayay Eryal.

 

Sidoo kale Yaasiin Qalinle waxa uu xusay in xaalufinta lagu hayo dhirtu ay sabab u noqoto inta badan dhibatooyinka deegaanka "Degmadda Bakki nabaad guur ku socda bulshadu way daawanaysaa waanay la deristay, dhuxusha Degmadda Bakina ugu yaraan 15 qabaal ayaa loo iibsaday in lagu soo shido, xoolihii noolaa waxa ilaalinaya odaygii iyo islaantii inamadiina waxa ay soo shidayaan dhuxusha” ayuu yidhi

Waxa uu farriin u diray Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga Somaliland "Somaliland waxa ay leedahay wasaaradda horumarinta Deegaanka iyo reer miyiga, waxaanay ahayd in waxan wacyi gelin ka samayso isla markaana ay ka hor tagto” ayuu yidhi