Muqdisho:-Darawalada Gaadiidka Bajaajta Oo Mudaharaad Ka Sameeyey Magaalada Muqdisho, Soona Bandhigay Cabashada Ay Qabaan.
Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka soomaaliya waxa maanta ka dhacay mudaharaad ay dhigeen gaadiidka loo yaqaan Bajaajta ee iskala goosha xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.
Darawalada gaadiidka Bajaajta ayaa iskugu soo baxay isgoyska KM4 ee muqdisho kuwaas oo ka cabanayey jidadka xidhan ee magaalada Magaalada.
Qaar ka mid ah darawalada mudaharaadka samaynayey ayaa warbaahinta u sheegay inay siCiidamada amaanka ayaa awood ku kala kaxeeyey dadkii mudaharaadka samaynayey ka dib markii isku soo baxa darawalada gaadiidka bajaajtu uu hakad galiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka ee waddada Maka Al Mukarama, iyada oo ay ciidamaduna isticmaaleen rasaasta nool oo ay kor u ridayeen.
weyn uga cabanayaan wadooyinka xidhan ee magaalada Muqdisho iyaga oo xusay inaan wali la fulin amarkii madaxweynaha ee ahaa inla furo waddooyinka xidhan.
Inta badan jidadka magaalada Muqdisho ayaa xidhnaa maalmihii ugu dambeeyey iyada oo dadweynaha magaalada Muqdisho ay diyaar garaw ugu jiraan munaasibada ciida barakaysan ee Ciidal Fidriga isla markaana baahi loo qabo in wadooyinkaasi la furo.