Muqdisho:-Dowladda Somalia oo saxiixday heshiis ku kacaya $ 40 milyan oo dib loogu dhisayo ciidamada Booliiska Soomaaliyeed

0
Tuesday June 12, 2018 - 11:21:03 in by salman abdi
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Dowladda Somalia oo saxiixday heshiis ku kacaya $ 40 milyan oo dib loogu dhisayo ciidamada Booliiska Soomaaliyeed

    Muqdisho:-Dowladda Somalia oo saxiixday heshiis ku kacaya $ 40 milyan oo dib loogu dhisayo ciidamada Booliiska Soomaaliyeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Dowladda Somalia oo saxiixday heshiis ku kacaya $ 40 milyan oo dib loogu dhisayo ciidamada Booliiska Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuuker Ducaale Isloow ayaa Heshiis dib loogu dhisayo ciidamada Booliska Soomaaliya heer federalka iyo heer dowlad Goboleed la saxiixday Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-duwaha howlaha gargaarka aadaminimo ee Soomaaliya.

Heshiiskaan oo ay ku baxayso In ka badan $ 40 Milyan oo Dollar ayaa waxa bixinaya Midowga Yurub , Ingiriiska iyo Dowlada Jarmalka oo ka mid ah Dalalka Midowga Yurub laakiin si gaara u taageerta Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Munaasabada Heshiiska lagu saxiixayay waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Masuuliyiin ka kala socday Dowlad Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dib u dhis xoogan loogu sameyn lahaa qeybaha kala duwan ee ciidamada dalka, oo Habeen iyo Maalin naftooda u huray Shacabka,  iyadoo Dowladaha saaxiibka dhow la ah ay balanqaadeen inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan sidii loosoo celin lahaa Awoodii ay lahaayeen ciidamada Qaranka Soomaaliya.