Wefti Ka Socda Urur Goboleedka IGAD Oo Mar Kale Ku Soo Fool Leh Somaliland +ARimaha Ay Kala Hadlayaan Somaliland.
Masuuliyiin ka socota urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa inay mar kale isaga dab qaadaan Somaliland
iyo Somalia, si xal looga gaadho dagaalka Tukaraq.
Weftigan ayaa la filayaa inay Magaalo madaxda maamul goboleedka Puntland ee Garoowe ku horeeyaan,
Islamarkaana ka dalbadaan inay joojiyaan weerarada iyo abaabulka dagaalka.
Xogaha la hayaa, waxaa ay tilmaameen in wafdigani ugu danbeyn Bari oo Salaasa ah ay gaadhaan
magaalada Garoowe, kuwaas oo u socda sidii xal looga gaadhi lahaa colaada Tukaraq.
Wafdigan waxaa la wariyay inuu ka kooban yahay wadamada ku bahoobey urur goboleedkaa IGAD,
waxaana hogaaminaya saraakiil ka tirsan dalka Ethiopia. Xogaha dhinaca Somalia intoodda badan laga
helayo ayaa sheegaya in Ethiopia Qaramada Midoobay u xilsaartay inay hoggaamiso daminta xiisaddan.
Qorshaha wadamada hormuudka u ah xalinta khilaafkani ee Igad, ayaan illaa immika cadayn, marka laga
reebo baaqyadda hore uga soo yeedhay iyagga iyo Qaramada Midoobay ee ahaa in la joojiyo xabadda oo
wada hadal khilaafka lagu dhameeyo. Hase ahaatee, dawladda Somaliland ayaa mawqifkeeda marar kala
duwan cadaysay, Islamarkaana tilmaantay in ay doonayso nabad-gelyo inay aagaas ka dhacdo,
Islamarkaana ay xataa waqti siinayso inay gaadho xuduudaheeda oo duleedka Garowe ah. Halka dhinaca
Kalle maamul goboleedka Somalia ee Puntland doonayo in ugu yaraan ciidamada Somaliland dib looga
rarro Tukaraq oo lagu celiyo tuulladda Ganbadha. Iyaddoo taas ay awooddooda ciidan oo dhan isugu
geeyeen, balse ay ku adkaatay inay dagaal ku qabsadaan laba jeer oo ay weerar culus soo qaadeena uu
ku keenay dhibaato culus.
Socdaalkan ayaa hadii uu rumoobo waxaa uu ku soo beegmay maalmo kooban uun ka dib markii Qoraal
golaha ammaanka ka soo saarey colaada gobolka Sool kuwasoo ku baaqey in la joojiyo dagaalka.
Bishii February ee aynu ka soo gudubnay ayaa wefti ka socda Urur Goboleedka IGAD uu booqasho ku
yimid sidoo kale Somaliland, iyaggoo arrintan lafteeda u socday waqtigaas, waxaana ay kullamo la
yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda Golayaasha Baarlamaanka. Waxaana ay sheegeen
xiligaas inay doonayaan in wadahadaladii Somalia iyo Somaliland la sii waddo iyo in la hakiyo collaada
Tukaraq. Laakiin, kuma ay guulaysan Isku daygaas hore.
Wefti Ka Socda Urur Goboleedka IGAD Oo Mar Kale Ku Soo Fool Leh Somaliland +ARimaha Ay Kala Hadlayaan Somaliland.
Wefti Ka Socda Urur Goboleedka IGAD Oo Mar Kale Ku Soo Fool Leh Somaliland +ARimaha Ay Kala Hadlayaan Somaliland.