Jabouti:-Madaxweyne Geelle Iyo Keating Oo Xiisadda Tukaraq Ka Wada Hadlay+Arimo Kale Oo Xasaasiya Ah.

0
Tuesday June 12, 2018 - 12:10:06 in by salman abdi
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabouti:-Madaxweyne Geelle Iyo Keating Oo Xiisadda Tukaraq Ka Wada Hadlay+Arimo Kale Oo Xasaasiya Ah.

    Jabouti:-Madaxweyne Geelle Iyo Keating Oo Xiisadda Tukaraq Ka Wada Hadlay+Arimo Kale Oo Xasaasiya Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabouti:-Madaxweyne Geelle Iyo Keating Oo Xiisadda Tukaraq Ka Wada Hadlay+Arimo Kale Oo Xasaasiya Ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Ismael Omar Guelleh Aya Maanta Qasriga Madaxtoyadda Ku Qaabiley Ergeyga Gaarka Qaramada Midoobey Uu Qaabilsan Arrimaha Somalia Micheal Keating.

Kulankaasi Ergeyga Gaarka Qaramada Midoobey Uu Qaabilsan Arrimaha Somalia Ayaa Waxa Uu Ugaga Warmey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xaaladaha Amni Ee Soo Kabanaya Ee Dalka Somaliya Iyo Qorshayowga Xasilinta Dalkaasi.

 

Wakiilka Gaarka Qaramada Midoobey Uu Qaabilsan Arrimaha Somalia Aya Ka Waramey Dawlada Dhexe Ee Somaliya Ee Ku Aadan Xasilinta Iyo Kor Uu Qaadidda Nabad Galyadda .

Waxaana Uu Kala Hadley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Niyad Samaanta Uu Ka Muujinayo Hor’umarka Ay Sameysey Dawladda Somaliya Ee KuAadan Dhismaha Iyo Adkeynta Hayadaha Dawladda Ee Maamul Iyo Maaliyadeed Oo Muujinaya In Qaranka Somaliya Uu Ku Jooga Wado Sax Oo Toosan Oo Mudan In La Is Garab Taago.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iyo Ergeyga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobey Uu Qaabilsan soomaaliya Waxey Ka Wado Hadleen Dadajinta Iyo Hor’udhiga Maalgalinta Dib Uu Yagleelidda Dhaqaalaha,

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating iyo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wadahadlay xiisadda Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland.

Keating ayaa madaxweyne Geelle usoo jeediyey inuu kaalin ka qaato daminta xiisadda Sool, gaar ahaan dagaallada Tukaraq, maadaama dedaallo badan oo la sameeyey lagu guul darreystay.

Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay Keating in dedaal uu ku bixin doono daminta colaaddan, islamarkaana aanu jecleen ka dowlad ahaan in dhiig Soomaaliyeed daato.

Kulankaasi Waxa Ka Qaybqaatey Wasiirka Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ahna Afhayenka Xukumadda Mudane Moud Ali Youssouf, Danjiraha Jabuuti Uu Jooga Muqdisho Somalia Aden Hassan Aden Ergeyda Gaarka Ah Ee Urur Goboleedka Igaad Uu Qaabilsan Arrimaha Somaliya Mohamed Ali Guyo Iyo Mas’uuliyiin Kale.