Ku dhawaad 10 ruux oo ku dhimatay Doon ku qalibantay Wabiga Shabeelle

0
Tuesday June 12, 2018 - 12:10:06 in by salman abdi
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku dhawaad 10 ruux oo ku dhimatay Doon ku qalibantay Wabiga Shabeelle

    Ku dhawaad 10 ruux oo ku dhimatay Doon ku qalibantay Wabiga Shabeelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad 10 ruux oo ku dhimatay Doon ku qalibantay Wabiga Shabeelle

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ku geeriyoodeen Doon ku qalibantay biyaha Wabiga Shabeelle, taa oo ku sii jeeday qeybo ka mid ah isla gobolka Sh/Hoose.

Doontan ayaa siday badeeco kala duwan oo lagu waday qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegay in ay degtay xili ay mareysay deegaan lagu magacaabo Raqeyle.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Doonidan oo sarnaayeen ku dhawaad 20 ruux laga war helay gaarida 7 ruux oo isugu jiray Hooyo, Afar caruur ah oo ay dhashay iyo laba qof oo kale.

Waa markii ugu horeysay oo tiro dad intaa la eg ay ku geeriyoodaan Doon ku degtay biyaha Wabiga Shabeellaha, iyadoo sababta Doonta ugu safartay Wabiga lagu micneeyay jidadka gobolka qeybo ka mid ah u kala xiran ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.