Caalamka:-Ciidammo ay Sacuudigu taageersan yihiin oo weeraray Xudeyda

0
Wednesday June 13, 2018 - 09:48:22 in by salman abdi
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Ciidammo ay Sacuudigu taageersan yihiin oo weeraray Xudeyda

    Caalamka:-Ciidammo ay Sacuudigu taageersan yihiin oo weeraray Xudeyda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Ciidammo ay Sacuudigu taageersan yihiin oo weeraray Xudeyda

Ciidammo taageero ka haysta Sacuudi Carabiya ayaa weerar ku billaabay dekedda muhiimka ah ee Xudeyda, ka dib markii jabhadaha Xuutiyiinta ah ay iska dhago tireen wakhtigii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay si ay uga baxaan, sida ay wararku sheegayaan.

Ciidammada Yemeniyiinta ah oo taageero ka helaya xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo ayaa hawlgalka billaabay Ammin hore oo Arbacadii ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Al-Carabiya.

Hay'adaha gargaarka ayaa ka digay in masiibo banii'aadan ay dhacdo haddii magaaladaas la weeraro, waxayna sheegeen in ay dhibaato soo gaari karto rubac milyan ruux.

Dekeddaas ayaa ah goobta ugu wayn ee ay ku xirtaan maraakiibta iyo doomaha wada gargaarka Yemen.

In kabdan toddobo milyan oo ku nool dalkaas uu dagaalku ka taagan yahay ayaa ku tirsan cuntada gargaarka ah.

Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo qayb ka ah xulafada ayaa jabhadaha horay ugu qabtay wakhti kama dambays ah si ay uga baxaan ama wajihi doonaan dagaal.

Anwar Gargash oo ah wasiirudawlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraatka ayaa BBC-da u sheegay in xulafada uu ka dhammaaday dulqaadkii dublamaasi ka dib markii 48 saac ee u dambeeyay ee loo qabtay.