Hargeisa:-Wasiirka Waxbarashada Oo Shaaciyey Dib U Eegis Balaadhan Oo Lagu Samaynayo Siyaasada Waxbarashada.

0
Wednesday June 13, 2018 - 16:38:21 in by salman abdi
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Wasiirka Waxbarashada Oo Shaaciyey Dib U Eegis Balaadhan Oo Lagu Samaynayo Siyaasada Waxbarashada.

    Hargeisa:-Wasiirka Waxbarashada Oo Shaaciyey Dib U Eegis Balaadhan Oo Lagu Samaynayo Siyaasada Waxbarashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Wasiirka Waxbarashada Oo Shaaciyey Dib U Eegis Balaadhan Oo Lagu Samaynayo Siyaasada Waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa kulan u furay agaasime-waaxeedyada iyo isu-duwayaasha wasaaradda waxbarashada.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd mid lagaga arrinsanayay qorshaha siyaasadeed ee wasaaraddaasi ku hawl gali doonto shanta sanno ee soo socda iyo waliba hawlaha waxqabad ee wasaaraddaasi.

Wasiir Faratoon oo furitaankii kulankaasi khudbad dheer oo uu ka jeediyey waxaa uu sheegay sida ay wasaarad ahaan ugu baahan yihin in masuuliyiinta shirka ka qayb galaysa oo ka kala socotay laamaha waxbarashada ee caasimadda iyo gobllada dalku ay xil gaar ah iska saaraan sidii ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta waajibaadka ay qaranka u qaabilsan

yihiin waxbarashada isla markaasina ay u diyaar garoobaan masuuliyadda imtixaanka shahaadiga ah ee sanad-dugsiyeedka 2017/8 oo ay ardayda fasallada sideedaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa fassaladda afraad ee dugsiyada sare u fadhiisan doonaan dabayaaqada bishan aynu ku jirno ee June.

 

Wasiir Faratoon oo amuurahaasi ka hadlayaa waxaa uu yidhi "Waxbarashada in dhibaatooyin badani ay haystaan waa mid aynu ognahay waxaana lagaga bixi karaa uun wada tashi, in la isu yimaado, laga wada tashado, laysla eego, intiina toos gacanta ugu haysaana ay ra’yi ka bixiyaan, dadka kalena wixii aaraa’ ah ay idinku biiriyaan”. Ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda waxbarashadu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray "masuul kasta oo halkan fadhiya waxaa uu xil ka saran yahay deegaankiisa in uu tallaabo ku haboon oo isbedel waxqabad ah ka sameeyo . annagana wasaarad ahaan waxaa noo qorshaysan inaanu macalimiinta imtixaan ka qaadno dhammaan kuwa mushaharka dawladda [pay roll] ku jira iyo kuwa aan ku jirinba. Imtixaankaas marka la galena saddex guruub baa looq ayb samayaa , koox aanu u aragno inaanay waxba dhigi Karin, tabobar hagaagsanna qaadan Karin oo inay ka baxaan meesha ay tahay, qaar aynu tababar gayno intii kuwaas hore dhaanta , inta loo arko inay iyagu takhasus yihiin oo ku filan yihin oo heerkaa la rabo ay gaadheen iyaguna halkoodii ayay hawsha ka wadayaan”. Ayuu wasiirku yidhi