War Deg Deg Ah Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Xilkii Ka Qaaday Laba Ka Mid Ah Taliyeyaasha Ciidamada.

0
Wednesday June 13, 2018 - 17:02:04 in by salman abdi
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Xilkii Ka Qaaday Laba Ka Mid Ah Taliyeyaasha Ciidamada.

    War Deg Deg Ah Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Xilkii Ka Qaaday Laba Ka Mid Ah Taliyeyaasha Ciidamada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Xilkii Ka Qaaday Laba Ka Mid Ah Taliyeyaasha Ciidamada.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa xilkii ka qaaday laba ka mid ah taliyeyaasha ciidamada ee maamulkaasi.

wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in xilalkii laga qaaday taliyeyaashii hay'addaha PSS Iyo PIA, waxaanay wareegtadu u dhignayd sidan

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay'adaha PSS iyo PIA.

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay'adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay:Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay'adaha amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo



DDR-ta

 

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay'ada PIA ka qaadayCabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

2. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay'ada PSS ka qaadayCabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

3.Xeerkaniwuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.