Australia: lama aqbali karo arrinta calanka Nazi-ga la xiriirta

0
Thursday June 14, 2018 - 10:14:02 in by salman abdi
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Australia: lama aqbali karo arrinta calanka Nazi-ga la xiriirta

    Australia: lama aqbali karo arrinta calanka Nazi-ga la xiriirta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Australia: lama aqbali karo arrinta calanka Nazi-ga la xiriirta

Ra'iisulwasaaraha Australia Malcolm Turnbull ayaa cambaareeyay sawir muujinaya calanka Naziga oo ka dulbabanaya gaari ay leeyihiin ciidammada Australia ee Afghanistan jooga.

"Waa arrin aan sinaba loo aqbali karin, dhacdadan ayaana dhacday intii lagu gudo jiray sannadkii 2007-dii, ayuu yiri.

Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in calaamadda Naziga ay "wakhti yar" gaariga saarnayd, taliyihii ciidammadaasna uu isla markiiba farogaliyay digniinna la siiyay ku wii ku lug lahaa.

Arrintan ayaa dabo socotay warar maalmahan la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa hab dhaqanka ciidammada Australia ee Afghanistan.

Dhacdadan sawirka 2007-dii ayaa horseedday caro ka dib markii ay heshay warbaahinta Australia ee ABC Khamiistii.

"Waa khalad, run ahaantii waa khalad, taliyeyaashuna tallaabo ayay qaadeen wakhtigaas" ayuu Turnbull ku yiri saxafiyiinta.

War qoraal ah oo ay soosaareen ciidammada qalabka sida ee Australia ayay ku sheegeen in ay fool xumo tahay "wax kaste oo calankaasi u taagan yahay".