Ghana:-Dowladda Ghana oo kala dirtay guddiga kubadda cagta ee dalkeeda.

0
Thursday June 14, 2018 - 10:14:02 in by salman abdi
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ghana:-Dowladda Ghana oo kala dirtay guddiga kubadda cagta ee dalkeeda.

    Ghana:-Dowladda Ghana oo kala dirtay guddiga kubadda cagta ee dalkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ghana:-Dowladda Ghana oo kala dirtay guddiga kubadda cagta ee dalkeeda.

Dowladda Ghana ayaa guddi kumeel gaar ah oo ka kooban 5 qof u saartay inay maamulan kubada cagta ee dalkaasi, kadib markii maxkamadda sare ay kala dirtay xiriirka kubad cagta ee dalkaasi muddo 10 beri ah.

Arrintan ayaa ka dambeesay kadib markii baaritan la sameeyay lagu ogaaday in saraakiisha kubada cagta ee dalkaasi ay qaateen lacag laaluusha ah.

Xeer ilaaliyaha guud aya maalintii Talaadada ka codsaday maxkamadda saree e waddanka Ghana inay kala dirto guddiga kubadda cagta ee dalkaasi, isaga oo ku dooday in guddigu uu ku kacay falal sharci darro ah oo uusan u qalmin in uu sii jiro.

Tallaabadan ayaa u muuqata inay tahay tii ugu horreysay oo dowladu ay ka qaado guddiga kubadda cagata ee dalkaasi Ghana.

Qaar ka mid ah saraakiisha guddiga kubadda cagta ee waddanka Ghana ayaa durbaba loo diiday inay u safraan dalka Ruushka si ay uga qeyb qaataan xaflada maanta lagu dooranayo cidda martigalineysa koobka adduunka ee sanadka 2026.

Dhammaan xubnaha ka tirsan guddiga kubadda cagta Ghana ee lagu qabtay iyaga oo qaadanaya lacago laaluush ah ayaa waxaa boolisku ay ku wadaan baaritano.

In ka badan boqol saraakiisha kubadda cagta iyo maamulka ayaa waxa ay kasoo muuqdeen barnaamij baaritaan ah iyag oo gudoomaya lacago cadiin ah taasi oo naxdin galisay dad badan oo Ghana ah.