Hargeisa:-Xukumada Somaliland Oo Ka Hadashay Dedaalada Beesha Caalamka Ee Daminta Colaada Tuka-raq Iyo Qodobada Ay Soo Bandhigeen.

0
Thursday June 14, 2018 - 11:00:11 in by salman abdi
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Xukumada Somaliland Oo Ka Hadashay Dedaalada Beesha Caalamka Ee Daminta Colaada Tuka-raq Iyo Qodobada Ay Soo Bandhigeen.

    Hargeisa:-Xukumada Somaliland Oo Ka Hadashay Dedaalada Beesha Caalamka Ee Daminta Colaada Tuka-raq Iyo Qodobada Ay Soo Bandhigeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Xukumada Somaliland Oo Ka Hadashay Dedaalada Beesha Caalamka Ee Daminta Colaada Tuka-raq Iyo Qodobada Ay Soo Bandhigeen.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay afar qodob oo Qaramada midoobay ay doonayaan inay ku dhamiyaan colaada Tuka-raq, isaga oo dagaalkaas ku tilmaamay mid abaabulan oo hor seedi karo dhibaato baaxad weyn leh.


Waxa uu wasiika arimaha dibadu sida oo kale ka hadlay isbadalada ka socda dalka Itoobiya oo doortay raysal wasaare cusub, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay xaalada Tuka-raq uu yidhi "Dedaalka uu caalamku wado sidii arinka loogu soo afjari lahaa si nabad ah, waxa ay soo jeediyeen afar waxa ugu horeeya in xabada la joojiyo, xidhiidh la wada yeesho oo madaxda ciidanku ay wada xidhiidhaan, in maxaabiista laga wada


hadlo daryeelkooda iyo isku celintoodaba iyo in wada hadalkii dib loo bilaabo, inagu intaba waynu ku qanacsanahay waana jidka loo maraayo sidii arinka nabad loogu soo afjari lahaa.”ayuu yidhi wasiir Sacad oo u waramay telefishanka Saab.

 

Wasiir Sacad waxa uu gobalka Sool ku tilmaamay mid aan qaadi karin dagaal iyo colaad”Gobalka Sool dagaal uma baahna, iska hor imaad uma baahna waxa uu u baahan yahay horumar iyo nabad, nabada ayaa lagu caano maalaa colaada laguma caano maalo, wadan waliba xaq ayuu u leeyahay inuu xadkiisa gaadho intaad dalkaaga gudihiisa joogto ma jirto cid kula dagaalamaysa gaadhstiisa, arinku waa dad kale oo dibada ah oo xadkeena ka baxsan oo ku duulaan ah dalkeena iyo dadkeena laakiin Somaliland uma baahana inay dadkeeda jiidh jiidho oo muquuniso oo xoog xadka ku gaadho, waa dad reer Somaliland ah dad meel kale ah toona maaha.”

Wasiirka arimaha dibada Somaliland waxa uu ku tilmaamay dagaalka Tuka-raq mid baaxad leh oo abaabulan”Way jiraan dhawr jeer oo aanu isku dhacnay laakiin isku dhacyo ayay ahaayeen, laakiin dagaal lixaadkan leh oo sidan u aloosan oo u abaabulan oo qaylodhaan leh runtii kani waa kii inoogu horeeyay, waana jid aan wanaagsanayn jidka uu ina marinayaa waana dagaal ka weyn habka uu u abaabulan yahay Puntland oo kaliyaata oo loo dhan yahay oo meelo badan laga hurinaayo, waxaanu ka waaninaynaa dadka xaga danbe ka hurinaaya dagaalka inay joojiyaan.”

Ugu danbayntii Dr.Sacad Cali Shire wasiirka arimaha dibada Somaliland waxa uu ka hadlay isbadalada is daba jooga ah ee ka socda Itoobiya”Inaga cilaaqaadka inaga dhaxeeya Itoobiya waa cilaaqaad taariikhi ah, waa mid jaarnimo waa mid daneed markaas inuu sii adkaado oo uu sii wanaagsanaado mooyaane fili mayno inuu hoos uga dhaco halka uu joogo, dhaqdhaqaaqan faraha badan leh ee uu samaynaayo raysalwasaaraha cusubi oo inta badan ku salaysan siduu u damin lahaa iska hor imaadka ka taagan wadankiisa ama isku dhaca ka dhaxeeyay isaga iyo wadamada jaarka ah, waanu soo dhawaynaynaa dhaqdhaqaaq kasta oo ku saabsan sidii nabad loo heli lahaa, waxaan filayaa ujeedada ugu weyn ee raysal wasaaraha cusubi inay tahay inuu iska damiyo waxii dab ah ee ka dhacaaya wadanka gudihiisa iyo hareerihiisaba, dabadeedna uu isha saaro dhaqaalaha, waxay ila tahay waa tub siyaasadeed oo wanaagsan istaraatijiyad ahaan.”