Itoobiya Oo Beenisay In Ay Safaarad Ka Furanayso Magaalada Quddus

0
Thursday June 14, 2018 - 11:56:23 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Beenisay In Ay Safaarad Ka Furanayso Magaalada Quddus

    Itoobiya Oo Beenisay In Ay Safaarad Ka Furanayso Magaalada Quddus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya Oo Beenisay In Ay Safaarad Ka Furanayso Magaalada Quddus

Itoobiya ayaa lagu khasbay inay beeniso inay ka baaran degayso in safaaradeeda Israa’iil ay u wareejiso magaalada Quddus.


Dalkaas ku yaalla geeska Africa ayaa sheegay in inuusan ku tala jirin qorshe noocaas ah, ka dib markii sharci yaqaan ka hawl gala safaaradooda Israa’iil uu sheegay in qorshahaas uu hakad ku jiro, sababo la xiriira qaabka ay ula dhaqmeen booliska Israa’iil koox wadaaddo Itoobiyaan ah.

Sida ay ku warramayso jariidadda The Times Of Israel, Eliezer Yasu Gil, ayaa yiri "safaaradda Itoobiya in loo raro Quddus waa arrin laga baaraan degayo”, laakin "wakhti xaadirkan arrintaas waa la joojiyey”.

Afhayeen u hadlay safaaradda Itoobiya ayaa sheegay in Mr Gil uusan ka turjumin aragtidooda, arrintaasna aan marnaba la soo hadal qaadin.

Safiirka Itoobiya ee Israa’iil, Tsegay Berha Hadera, ayaa ka digay in ka saaridda khasabka lagaga saarayo wadaadadaas Itoobiyaanka ah dhisme ay leedahay kaniisad Itoobiyaan ah oo filim laga duubay todobaadkii hore, ay dhalin karto xiisad diblomaasiyadeed.