Tuke-raq:-Ciidammada Puntland Oo U Soo Ruqaansadey Dhinaca Somaliland, Dagaal Mar Kale Ka Dhex-Qarxi Kara Iyo Xoggihii U Dambeeyey Dagaalka Tuke-Raq.

0
Thursday June 14, 2018 - 16:22:16 in by salman abdi
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuke-raq:-Ciidammada Puntland Oo U Soo Ruqaansadey Dhinaca Somaliland, Dagaal Mar Kale Ka Dhex-Qarxi Kara Iyo Xoggihii U Dambeeyey Dagaalka Tuke-Raq.

    Tuke-raq:-Ciidammada Puntland Oo U Soo Ruqaansadey Dhinaca Somaliland, Dagaal Mar Kale Ka Dhex-Qarxi Kara Iyo Xoggihii U Dambeeyey Dagaalka Tuke-Raq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuke-raq:-Ciidammada Puntland Oo U Soo Ruqaansadey Dhinaca Somaliland, Dagaal Mar Kale Ka Dhex-Qarxi Kara Iyo Xoggihii U Dambeeyey Dagaalka Tuke-Raq. Wararka laga helaayo deegaanka

Tukaraq ee muddooyinkii dambe dagaalku ku dhex-maraayey dawladda Somaliland iyo Ciidammada Maamul-goballeedka ah ee Puntland, ayaa la soo sheegayaa in laga dareemayo dhaq-dhaaqyo ciidan oo aad u xooggan oo Maamulka Puntland ay ku qorsheynayaan siddii ay mar kale weerar ugu soo qaadi lahaayeen ciidamada jiida hore ee Somaliland.


 

 


Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in Maamulka Puntland ay qorsheeyeen dagaal ay maalmaha soo socda ku soo qaadan dhinaca Somaliland ka dib markii hore looggu jabiyey weeraro gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida hore. Waxaana ay wararku tilmaamayaan in dhaq-dhaqaaqyaddaas si weyn loogga wado meel ka mid ah gudaha Puntland iyo weli ba deegaanka Tukaraq iyaga oo sida la sheegay halkaas soo dhoobey ciidamo Maleeshiyaad ah oo tiro badan ku waasi oo ku gaashaaman hubabka noocyaddiisa kala duwan.


Maleeshiyaadka ciidamada ee Puntland, ayaa sidoo kale la sheegyaaa in ay u soo ruqaansadeen dhinaca Somaliland, taasi oo sababi karta sida oo kale na ay dadka deegaanku cabsi ka muujinayaan in dagaal uu mar kale isla toddobaadkan soo socda uu ka dhex-qarxo dawladda Somaliland iyo Maamulka nabad-diidka ah ee Puntland. Waxaana ay dadka deegaanaddaasi cabsi xoogga ka muujinayaan dagaalada dhex-maraaya Somaliland iyo Puntland oo saameyn xooggan ku yeeshay xaaladdoodii nololeed.


Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee Maamulka Puntland Md. Cabdi Xirsi Cali (Qar-jab) oo Warbaahinta la hadlay, ayaa muujiyey in dagaal ay mar kale ku soo qaadi karaan Somaliland, waxaana uu ku goodiyey in haddii aanay Somaliland iskaga bixin deegaanada gobalka Sool ay soo qaadayaan dagaal uu sheegay in ay ka dhalan karto khasaare ka badan kii ka dhashay dagaaladdii hore.