Gudah:-Siyaasi Cali Khaliif Oo Maamulka Puntland Dusha Ka Saaray Dhibaatada Ka Jirta Soomaaliya Iyo Cadaymo Uu Adeegsaday

0
Thursday June 14, 2018 - 16:59:16 in by salman abdi
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudah:-Siyaasi Cali Khaliif Oo Maamulka Puntland Dusha Ka Saaray Dhibaatada Ka Jirta Soomaaliya Iyo Cadaymo Uu Adeegsaday

    Gudah:-Siyaasi Cali Khaliif Oo Maamulka Puntland Dusha Ka Saaray Dhibaatada Ka Jirta Soomaaliya Iyo Cadaymo Uu Adeegsaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudah:-Siyaasi Cali Khaliif Oo Maamulka Puntland Dusha Ka Saaray Dhibaatada Ka Jirta Soomaaliya Iyo Cadaymo Uu Adeegsaday

Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ayaa eedaymo culus dusha u saaray maamulka Puntland.

Siyaasi Cali Khaliif oo hadlayey kulan uu la qaatay jaaliyada ka soo jeeda deegaankiisa ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta dalkii laysku odhan jiray soomaaliya ay kiciyeen maamulka Puntland.


Siyaasi Cali Khaliif ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay "Kuwa na eedaynaya ee leh intaad somaliland tagaysaan maxaad tolkiin u aadi waydeen iyagaba waa dariskiin oo dhul ayaa idinka dhaxeeya, 4.5 ayaaba la noqday oo iyaga ayaad is abtirsiimo xigtaan, intaas oo dhan waanu ogolnahay waxay balaayo ka dhacday cidii doonaysa inay luqunta kaaga taagnaato mooyaane aan ogolayn inaad jirto aan ogolayn,


hadalkaasi waa dhab oo dhayal uma lihi rumaysta ama ha rumaysinina.”

 

Siyaasi Cali Khaliif ayaa sheegay in maamulka Puntland ay dhibaato ka wadaan meelo kala duwan oo soomaaliya ah ah waxaanu yidhi "Waxay Galmudug ka wadaan waanu ognahay, waxay xamar ka wadaana waanu ognahay, Xamar lama joogi karo oo qaska ugu badan ee dawlada federaalka ahi ay cagaha u dhigi wayday Puntland ayaa ka kow ah, teenuna intaas kaba sii daran, dadka habaari maynee aynu ugu ducayno in ilaahay tuso wixii dantooda iyo waxa dadka dadku ku jirto.”

Sidoo kale waxa uu maamulka Puntland ku eedeeyey inay miisaaniyadooda qayb ahaan ugu tala galeen inay kaga hortagaan shacabka deegaankiisa waxaanu yidhi "Cabdiraxmaan Faroole wuu nool yahay oo waana markhaati ma doonto, waxa uu miisaaniyada Puntland 18% u qoondeeyey in lagaga hortago in dadka sool, sanaag iyo Cayn ay wax dhistaan, sideed ilaa sagaal isin ayaa garoowe jooga iyada oo todoba ka mid ahi ay somaliland ka qaataan laba kun oo doolar, sidee ayaa loo gala waxaas, mala fadeexadeeyaa oo mushaharka ay qaataan Internet-ka maku soo ridnaa mise waa maradaadu kugu gubatee qaar ayaa odhan doona garaadkayaga ayaa wax looga jeeday.”