Caalamka:-QM oo go'aan ka qaadan weysay dagaalka ka soconaya dekada Xudeyda.

0
Friday June 15, 2018 - 06:53:05 in by salman abdi
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-QM oo go'aan ka qaadan weysay dagaalka ka soconaya dekada Xudeyda.

    Caalamka:-QM oo go'aan ka qaadan weysay dagaalka ka soconaya dekada Xudeyda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-QM oo go'aan ka qaadan weysay dagaalka ka soconaya dekada Xudeyda.

Xubnaha gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku guul dareystay inay isku raacaan inay ugu baaqaan dalalka Sucuudi Carabiya iyo Isutaga Imaaraatka Carabta inay joojiyaan weerarada ay ku qaadayaan dekadda Xudeyda ee dalka Yamen si gacanta Xuutiyiinta looga saaro dekaddaasi.

Balse kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay yeesheen gollaha ammaanka ayaa markale ku celiyay baaqooda ahaa in dekadda la furo.

Safiirka Britain Karen Pierce ayaa sheegay inay tahay in gollahu uu taageero dadaalada ergeyga Qaramada Midoobay ee Yamen, Martin Griffiths, si loogu qanciyo fallaagada Xuutiyiinta ee ay barataarto Iiraan inay wareejiyaan gacan ku heynta dekadda Xudeyda.

Dekadda Xudeyda ayaa waxaa kasoo degga boqolkiiba toddobaatan allaabaha la keeno dalkaasi Yamen.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa soo xigatay saraakiil la qariyay magacooda oo sheegay in Mareykanku uu ku gacan seeray dalabkoodi ahaa helitaanka macluumaad sir ah iyo taageero dhanka suulinta miinooyinka ah oo Faransiisku ogolaaday haatan inuu siiyo.