Caalamka:-Sanad kadib weerarkii Pizza House iyo dib usoo kabashada.

0
Friday June 15, 2018 - 06:53:05 in by salman abdi
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Sanad kadib weerarkii Pizza House iyo dib usoo kabashada.

    Caalamka:-Sanad kadib weerarkii Pizza House iyo dib usoo kabashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Sanad kadib weerarkii Pizza House iyo dib usoo kabashada.

Markasta oo uu Muqdisho ka dhoco weerar is miidaamin ah, kaliya ma galaafto nafta dad badan, balse waxaa sidoo kale ka dhaca burbur hantiyeed oo tiro badan, waxaase la yaab leh sida dadka durba u qaadaan talaabooyin dib usoo kabasho ah.

Inta badan ganacsiyadii waaweynaa ee ku burburay ama ku xirmay weerar lagu qaaday ayaa dib u furmay, kadib markii lagu sameeyay dayactir.

Meelahaas waxaa ka mid ah maqaayadda Pizza House, halkaas oo uu booqday wariyaha BBC-da Cali Nuur Salaad, warbixintana kasoo diyaariyay.

Koox dhallinyara ah oo ka badbaaday weerar lagu qaaday maqaayadda pizza house sanadkii hore ayaa fadhiya barxadda maqaayadda oo dib loo dayactiray. Waxa ay ka sheekeeynayaan wixii habeenkaas dhacay argagaxii iyo asxaabtii ay ku waayeen, waxa ay ay wadaagayaan sheekooyin murugo leh. Qaarkood illin ayaa ku soo istaageysa marka dib u gocdaan wixii ay goob joogga u ahaayeen.


 
Waraysi: Khasaaraha gaadhay hudheelka Pizza House

Maxamed Ibraahin Nuur waxa uu kamid ahaa shaqaalahii maqaayadda, waxa uu ka badbaaday qarxa iyo rasaasta kadib markii uu isku qariyay bakhaarka, balse waxa uu goob joog u ahaa dhowr kamid ah asxaabtiisa oo hortiisa lagu toogtay.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii ka badbaaday weerarkii dhacay
Image captionQaar ka mid ah dhalinyaradii ka badbaaday weerarkii dhacay

"Xanuun aad u weyn ayey eheed wey adagtahay in qof ashahaadanaayo in hortaada lagu dilo wey xanuun badan tahay. Saameyn aad u weyn ayuu igu yeeshay saddex maalin ayaan xaalad adag galay ilaa xitaa quraan la I saaro"

Dhismaha cusub oo intiisa badan alwaax laga sameeyay waxaa lagu qurxiyay doog, ubax, iyo nalal midabbo badan oo la jaanqaadaya naqshadda cusub derbiyadana waxaa suran farshaxan ka turjumaya dhaqanka Soomaaliya iyo goobaha caanka oo dhammaan gacanta lagu sameeyay. Macaamiisha maqayaadda waxa ay u badan yihiin kuwii hore ugu xirnaa qaraxa ka hor oo ay ka dhex muuqdaan qaar ka badbaaday mashaqadii dhacaday.

Yuusuf Islaam oo kamid ahaa dhallinyaradii ka badbaadday qaraxa Waxa uu ku adkeysanayaa inuu wali halkan ku qaxweeyo, balse isaga oo dib u milicsanaya axsaabtii uu ku waayay qaraxa,waxa uu rajeynayaa in wixii dhacay aaney dib u soo laaban.

Qaab dhismeedka guriga waa mid aad u quruxsan, lagana sameeyay alwaax, laguna xardhay farshaxan
Image captionQaab dhismeedka guriga waa mid aad u quruxsan, lagana sameeyay alwaax, laguna xardhay farshaxan

"Dadka qaar haddii aad hadda ku tiraahdo Pizza ayaan u socdaa waxay ku leeyihiin ma waalatay, meesha sow meeshii maaha, marka waxaan rajeynaa quruxdaan iyo naash naashaashkaan lagu sameeyay inay naga tirto murugadii iyo mahadhadii , dib u furitaanka iyo dib u soo kabashada ay dhallinyaraan sameeyeen ay isbedel nagu sameyso"

In kabadan nus milyan doolarka Mareykanka ah ayaa ku baxday in dib loo dhiso maqaayaddan oo kamid ah kuwa ugu shacbiyadda badan dhanka dhallinyarada Muqdisho, waa kharash aad u badan marka loo eego dhallinyarada ganacsigaan shirkada ku ah waaana sababta ay u ugu qaadatay muddo sanad ah.


 
Bandhiga buugaagta Muqdisho oo furmay

26 qof ayaa ku dhintay tira intaa kabaddana waa ay ku dhaawacmeen weerar qaraxyo iyo rasaas toos ah isugu jiray oo Alshabaab ay ku qaadday maqaayaddaan oo xilligaa ay ku afurayeen boqollaal qof oo dhallinyaro rag iyo dumarba isugu jiray. Burbur hantiyeed oo lagu qiimeeyay ilaa 200 oo kun oo dollar ayaa isna soo gaaray dhismaaha.

Burburka ay qaraxyadu u geystaan dhismayaasha Muqdisho waa mid durba ah looga soo kabsado iyada oo ganacsatadu ay dib u geliyaan qarasha badan, balse dhibaatada uu bani aadamka ku reebo waa mid waarta oo ay adagtahay in laga soo kabsato