Xog: Isku Shaandhaynta Golaha Xukuumadda Ee La Filayo Masuuliyiinta Meesha ka Baxaaya Iyo Xubnaha Cusub Ee Aadka Loo Hadal-hayo.

0
Friday June 15, 2018 - 06:53:05 in by salman abdi
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Isku Shaandhaynta Golaha Xukuumadda Ee La Filayo Masuuliyiinta Meesha ka Baxaaya Iyo Xubnaha Cusub Ee Aadka Loo Hadal-hayo.

    Xog: Isku Shaandhaynta Golaha Xukuumadda Ee La Filayo Masuuliyiinta Meesha ka Baxaaya Iyo Xubnaha Cusub Ee Aadka Loo Hadal-hayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog: Isku Shaandhaynta Golaha Xukuumadda Ee La Filayo Masuuliyiinta Meesha ka Baxaaya Iyo Xubnaha Cusub Ee Aadka Loo Hadal-hayo.

Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi , ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda ku dhawaaqo isku-shaandhayn ballaadhan oo uu ku sameynaayo golahiisa xukuumaddiisa, isla markaana ku magacaabi doono masuuliyiin cusub, sidoo kalena uu xilalka ka qaadayo xubno kala duwan oo isugu jira wasiirro iyo madaxda kale ee hay’adaha madaxabannaan ee dawladda.

 

Madaxweynaha ayaa markii talada loo doortay wuxuu soo dhisay xukuumad ka kooban 23 wasiir iyo 9 wasiir-xigeen oo u badan wejiyo ku cusub saaxadda Siyaasadda, laakiin shacab badan ayaa markiiba ku dooday inaanu Madaxweyne Biixi soo dhisin xukuumad tayo leh oo ay shacabku ka filayeen si ay Somaliland uga saarto xaaladdo badan ee ku xeeran.

Inkasta oo aan ilaa hadda si cad loo wada ogayn nooca ay noqon doonto tallaabada isku shaandhaynta ah ee Madaxweynuhu la maaggan yahay xukuumaddiisa iyo cidda isbeddelkaasi saameyn doono. hadana Sida caadiga waxaa iyaduna barbar socota hadal haynta ay bulshadu magac-dhabayaan xubnaha cusub ee la filaayo inay ku soo baxaan golaha cusub ee wasiiradda.

Warar laga helaayo ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Qasriga Madaxtooyadda Somaliland ayaa sheegaaya in tirada golaha wasiirada la kordhinayo siiba kuwa wasiir ku-xigeenadda, inkastoo warar iskhilaafsan ay ka soo baxayaan tirada la gaadhsiin karo, hadana wararka qaarkood ayaa sheegaaya in wasiirku-xigeenada ugu yaraan la gaadhsiin doono 16 illaa 18 wasiir ku-xigeen in laga dhigo, halka warar kalena ay sheegayaan in tiradoodda intaasi laga badinaayo lana gaadhsiinayo in ka badan 20 wasiir ku-xigeen, iyadoo iyadana wasaaradaha la isku geeyey markii hore ee hadda shaqeeya la kala qaadi doono.halka kuwii la baa.biiyey qaar ka midda la soo celin-doono.

Si kastaba ha ahaatee , ilo-wareedyo u dhuun-daloola Madaxtooyada ayaa shabakadda Burco-online u sheegtay in Madaxweyne Muuse Biixi xilalka ka qaadi doono xubno isugu jira wasiirro iyo qaar ka mid ah madaxda hay’adaha madaxbannaan, waxaanay sida ilahaasi tibaaxeen ka mid ah ragga xilalka laga qaadi doono ee isku-shaandhayntaasi galaafan doonto ay ka mid yihiin Wasiirradda Wasaaradaha Maaliyadda . Arimaha Debadda Iyo Xidhiidhka Caalamiga, Waxbarashadda , Qorshaynta iyo qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha kala duwan ee Somaliland sida wadooyinka . masiibooyinka Iyo duulista iwm.

Wasaaraddii Madaxtooyada Ayuu Madaxweyne Muuse Biixi dib u soo noolayn doono , Muj Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha waxaa laga bedeli doonaa booskiisa hadda. Iyadoo sida la sheegay laga dhigi doono Wasiir kale waxaana loo magaaabi doonaa sida aan Wararka ku helnay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland.

wararka kale ee aan helayno ayaa sheegaya, intaa ka dib xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland uu ugu dhowyahay in loo magacaabo markale Cali Maxamed Warancade

Geesta kale, inkastoo aan wararku si dhamaystiran u wada-xusin kuwa yihiin dhamaan xubnaha ama wejiyada cusub ee Sheybaadhka Madaxtooyada ka soo bixi doonaa, hadana iluhu waxay carabka ku dhufteen in geeshka-cusub ee saxan-saxadoodu ina hayso uu ka mid yahay inuu Madaxweynuhu markale xubno wasiirro noqda uu ka qaadanayo xisbiga Mucaaradka ee waddani ,waxaana aqoonyahanadda sida weyn loo hadal-hayo ka mid ah Ergaygii gaarka ahaa ee Somaliland ee hore dhinaca Qaramadda Midoobey. iska casiley magacaabiddii Madaxweyne Muuse : Dr. Maxamed Wersame Ducaale.Ayaa la sheegay in loo magacaabaayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Debadda iyo xidhiidhka Caalamiga.

Sidoo kale Taliyihii hore ee Arrimaha Maaliyadda Madaxweyne Rayaale : Dr Cumar Ibraahim ayaa isaguna sida la sheegay beddeli doona Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka , jagada Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga , ayaa iyadana la filayaa in loo magacaabo Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi Agaasimaha Guud ee iminka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska , oo isaguna beddeli doona Wasiirkiisa Ganacsiga Wershadaha iyo Dalxiiska.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Qaranka Somaliland C/raxmaan Guri-Barwaaqo ayaa isna shaki la gelinayaa in uu sii fadhiyo Wasaaradda uu hada hayo maadama lagu tilmaamay in uu ku fashilmay shaqaddii Wasaaradda Mr Guri-barwaaqo , inkastoo oo uu diiday xubinkale oo loo soo bandhigay xilkiisa laakiin weli waxaa loo badinayaa inuu bedeli doono ruug-caadi siyaasiya oo aan weli la magac-dhabin oo loo dhiibi doono Wasaarada Warfaafinta sida aan xogta ku helnay. Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Wasiirka Wasaarada Waxbarashada in laga yaabo in xilkiisaa uu waayo uuna ku soo laabanayn Golaha Wasiirada Cusub. waxaana bedelkiisa noqon-doona sida la sheegay Ex-Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Wararka kale ka soo baxaaya Madaxtooyadda Somaliland waxay intaa ku darayaan in Afhayeenkii Guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda Md Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) loo magaacaabayo Xil wasiirnimo. halka Wasiiru Dawlihii Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac iyo Siyaasi C/risaaq Maxamed Toor oo mar ahaan jirey maayarkii Burco waqtiyaddii dalka la soo galay. oo magacaabaayo xilal wasiir ku-xigeeno.

Si kastaba ha ahaatee, waxa arimuhu si dhab ah u kala cadaan doonaan Toddobaadyada soo socda, haddii Eebe yidhaado.sidaa darteed-na ay u badan tahay Boqolkii-ba Sagaashan inay run noqdaan. waxaana hubaala in haddii aanu Madaxwayne Muuse Isbedel Sameyn ay Taariikh Xumo ka raaci doonto Hogaaminta Dalka iyadoo Xukuumada Muuse Biixi noqotay tii ugu tayadda xumayd Xukuumadihii soo maray jamhuuriyadda S/land. sababtoo ah marka la qiimeeyo duruufaha iyo xaaladaha dalku ku jiro, oo ah kuwo aad u cakiran, isla markaana aan ka fursanayn in Madaxweyne muuse ka qaato talaabo ka duwan midan hada taagan, oo weliba deg-deg ah.