Burco; Daawo Culumada ugu Miisaanka Culus Togdheer iyo Masuliyin la Tukaday Shacabka Togdheer kana hadlay Colaadaha Bariga

0
Friday June 15, 2018 - 11:17:52 in by salman abdi
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco; Daawo Culumada ugu Miisaanka Culus Togdheer iyo Masuliyin la Tukaday Shacabka Togdheer kana hadlay Colaadaha Bariga

    Burco;Culumada ugu Miisaanka Culus Togdheer iyo Masuliyin la Tukaday Shacabka Togdheer kana hadlay Colaadaha Bariga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco;Culumada ugu Miisaanka Culus Togdheer iyo Masuliyin la Tukaday Shacabka Togdheer kana hadlay Colaadaha Bariga

Guddomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Maareeye kuxigenka Hay;adda Horumarita Waddoyinka, Maamulka Gobolka iyo Masuiyiinta Degmad Burco, Salaadiin iyo Culumaawdiinka ugu miisaanka Culus Togdheer ayaa saaka salaaddii ciidka kula tukaday Garoonka Alamzay Stadium Dadweynaha Magaalada Burco.

Ka hor tukashadii salaadi ciidka waxa khudbado waano iyo dardaaran u badnaa ka jeediyey garoonka Muftiga weyn ee Sh. Cali Warsame, Suldaan Maxamud Guuleed, Maayarka Burco,iyo Badhasabka Togdheer, waxayna Dhammaantood ilaahay ka baryeen inu ka aqbalo acmaalshii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen Bishi Ramadaan ee xalay ku ekkayd, sido kale waxay ka hadleen Colaadaha ka aloosan Bariga gaar ahaan Tii ceel afweyn iyo dagaal xuduudeedka Tuko raq ee u dhexeya Somaliland iyo somaliya, waxay inta badan ku baaqeen in Nabad la wada qaato, iyagoo ilaahay ka baryey inu colaadaha ka qaboojiyo, Maayarka Burco ayaa si gaar ah u dalbaday in la isa saamaxo isago sheegay inu saamaxay cid kasta oo isaga wax u geysatay, iyadoo Badhasabka Togdheerna ayaa si gaar ah ugu goodiyey inay wax ka qabanayaan dhalinyarada rabshadaha sameeya habeenkii.

Gebogabadiina Masuliyiin iyo Dadweyne kala duwan ayaa hambalyo u diray qoysaskooda, qarankooda iyo asxaabtoodamunaasibadda ciidul fidriga awgeed.